Howlwadeennada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo uu horkacayo Agaasimaha Guud mudane Caydaruus Macallin ayaa maanta qeyb ka ahaa dibadbax looga soo horjeedo Khawaarijta, kaasi oo ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.
Dibad-baxan oo sidoo kale ay ka qeybgaleen shacab tiro badan iyo masโuuliyiin Dowladda iyo Gobolka ah ayaa lagu soo bandhigay boorar lagu qoray oraahyo lagu cambaareynayo diinlaaweyaasha Khawaarijta Shabaab iyo falalkooda gurracan.
Bannaan-baxan ayey shacabka Gobolka Banaadir ku direen farriin tusineysa u adkeysiga xaaladaha adag iyo fahamka dheeriga ah ee dhagarta kooxdan diinta gabbaadka ka dhigata balse aan wax diin ah heysan.