Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlwadeenno Caafimaad oo ka kala socday dowlad goboleedyada oo tababar loogu soo xiray Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Howlwadeenno Caafimaad oo ka kala socday dowlad goboleedyada oo tababar loogu soo xiray Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Guuleed Cabdijaliil ayaa soo xiray tababarka dib-u-cusbooneysiinta macalimiinta ee Marwo Caafimaad, oo muddo laba Isbuuc ah ka socday Magaalada Muqdisho.

Xubno gaaraya 51 oo ka kala socda shanta dawlad goboleed ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo BRA ayaa ka soo qayb galay tababarkan, Ujeedkiisu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo daryeelka Hooyada ee la xiriiray manhajka Caafimaadka bulshada ee dhawaan la cusboonaysiiyay, kaas oo si rasmi ah loo ansixiyay lagana hirgeliyay guud ahaan dalka.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Intaa waxaa dheer, ToT-yadu waxay heleen tababar wax ku ool ah oo ku saabsan ka faa’iidaysiga adeegsiga aaladaha xog ururinta dhijitaalka ah iyo E-learning Moodle App. Xirfadahaan waxaa loo baray si loo fududeeyo faafinta iyo maaraynta xogta iyo suurta gelinta wadaagga aqoonta wax ku oolka leh ee Moodle App-ka.

Hadafka kama dambaysta ahi ayaa ahaa hubinta in bulshada la gaadhsiiyo adeegyo Caafimaad oo isku-dhafan oo tayo sare leh wakhtiga ku haboon iyadoo la xoojinayo dadaalka shaqaalaha Caafimaadka haweenka ee ku salaysan (FHWs).

Dr Guuleed Cabdijaliil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka oo soo xirey tababarka ayaa hadal ka jeediyay munaasabadda waxa uuna bogaadiyey Is-weydaarsiga Cilmiga lagu horumarinayo dhallaanka iyo Hooyada waxa uuna sidoo kale guusha la taaban karo ku tilmaamay in si guul ah uu ku soo dhamaaday wajigii saddexaad ee tababarkooda.

Agaasimaga ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in aqoonta iyo xirfadda la gaarsiiyo shaqaalaha Caafimaadka bulshada si daacadnimo leh, isaga oo ujeeddadiisu tahay in la xaqiijiyo bixinta adeegyo tayo sare leh oo kobciya kalsoonida, lahaanshaha, iyo natiijooyinka wanaagsan ee bulshada guud ahaan.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaliya Waxaa ka go’an Horumarinta Caafimaadka guud ee dalka iyo sidii bulsho waynta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo tayo leh.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga ”Ceel la-helay iyo Ceel-garas waa xor shacabku waa in ay dib ugu soo laabtaan”

Next Post

Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee BJFS oo kormeeray deegaanka Bulacle

Next Post
Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee BJFS oo kormeeray deegaanka Bulacle

Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee BJFS oo kormeeray deegaanka Bulacle

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In