Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlwadeenno Caafimaad oo ka kala socday dowlad goboleedyada oo tababar loogu soo xiray Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Howlwadeenno Caafimaad oo ka kala socday dowlad goboleedyada oo tababar loogu soo xiray Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Guuleed Cabdijaliil ayaa soo xiray tababarka dib-u-cusbooneysiinta macalimiinta ee Marwo Caafimaad, oo muddo laba Isbuuc ah ka socday Magaalada Muqdisho.

Xubno gaaraya 51 oo ka kala socda shanta dawlad goboleed ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo BRA ayaa ka soo qayb galay tababarkan, Ujeedkiisu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo daryeelka Hooyada ee la xiriiray manhajka Caafimaadka bulshada ee dhawaan la cusboonaysiiyay, kaas oo si rasmi ah loo ansixiyay lagana hirgeliyay guud ahaan dalka.

Related posts

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026

Intaa waxaa dheer, ToT-yadu waxay heleen tababar wax ku ool ah oo ku saabsan ka faa’iidaysiga adeegsiga aaladaha xog ururinta dhijitaalka ah iyo E-learning Moodle App. Xirfadahaan waxaa loo baray si loo fududeeyo faafinta iyo maaraynta xogta iyo suurta gelinta wadaagga aqoonta wax ku oolka leh ee Moodle App-ka.

Hadafka kama dambaysta ahi ayaa ahaa hubinta in bulshada la gaadhsiiyo adeegyo Caafimaad oo isku-dhafan oo tayo sare leh wakhtiga ku haboon iyadoo la xoojinayo dadaalka shaqaalaha Caafimaadka haweenka ee ku salaysan (FHWs).

Dr Guuleed Cabdijaliil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka oo soo xirey tababarka ayaa hadal ka jeediyay munaasabadda waxa uuna bogaadiyey Is-weydaarsiga Cilmiga lagu horumarinayo dhallaanka iyo Hooyada waxa uuna sidoo kale guusha la taaban karo ku tilmaamay in si guul ah uu ku soo dhamaaday wajigii saddexaad ee tababarkooda.

Agaasimaga ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in aqoonta iyo xirfadda la gaarsiiyo shaqaalaha Caafimaadka bulshada si daacadnimo leh, isaga oo ujeeddadiisu tahay in la xaqiijiyo bixinta adeegyo tayo sare leh oo kobciya kalsoonida, lahaanshaha, iyo natiijooyinka wanaagsan ee bulshada guud ahaan.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaliya Waxaa ka go’an Horumarinta Caafimaadka guud ee dalka iyo sidii bulsho waynta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo tayo leh.

 

















Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga ”Ceel la-helay iyo Ceel-garas waa xor shacabku waa in ay dib ugu soo laabtaan”

Next Post

Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee BJFS oo kormeeray deegaanka Bulacle

Next Post
Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee BJFS oo kormeeray deegaanka Bulacle

Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee BJFS oo kormeeray deegaanka Bulacle

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In