Muwaadin kasta waxaa saaran waajib ah inuu ilaaliyo hantida guud ee lawada leeyahay sida uu u ilaaiyo hantidiisa gaarka ah oo kale.
Goobaha waxbarashada guud, garoomada ciyaaraha, waddooyinka, jardiimooyinka, goobaha taariikhiga ah iyo wixii la mid ah waxay ka dhaxeeyaan dadka, waana hantida dadka maanta nool iyo dhaxalka jiilka soo socda sidaa darteed ma jiro qof kharribi kara ama wax u dhimi kara.
Muddadii aan dowlad la’aanta ku jirnay wax badan ayaan waynay, waxaana hoos u dhacay hankii qofka Soomaaliga ah. Waxaa is bedelay qaarka mid ah ujeedooyinkii waawaynaa ee aan ku mideysnaan jirnay sidoo kalena waxaa hoos u dhac ku yimid wacyiga bulshada ay ka haystaan dowladnimada.
Hoos u dhacaas dhanka wacyiga ah wuxuu keenay in dadka qaar kala garan waayaan dhibta iyo dheefta ama kala saari waayaan wixii dan ugu jirto ama shar uga imaan karto.
Dalkeena hadda wuxuuu marayaa xaalad dib u dhis ah, waxaan kasoo kabanaynaa dhibaatooyin badan oo na soo gaaray sidaa darteed waxaa lagama maarmaaan ah in bulshada gaar ahaan dhallinyarada aan nasiib u yeelan inay dowlad ku soo koraan la baro waxa loo yaqaano hantida guud iyo micnaha dowladnimada oo sax ah.
Barasho kasta waxay ka billaabata guriga ee waalidiinta waxaa saaran mas’uuliyad gaar ah, waana inay carruurtooda ku barbaariyaan si fiicanna qalbigooda ugu beeraan jacaylka dalkooda iyo sida looga shaqeeyo danta guud si beri ay u soo baxaan jiil garanaaya waxa ay wada leeyihiin iyo sida loo ilaashado.
Goobaha waxbarashada sida school-da iyo jaamcadaha waa meelaha lagu koriyo maskaxda ardayda lagana soo saaro hoggaamiyaasha dalalka iyo jiil wax ku soo kordhin kara adduunka, iyada oo kaalintaas ahmiyadda leh awgeed la eegaayo waxaa saaran macallimiinta iyo maamulka gobaha wax barashada inay cilmiga ay dhigayaan ku salleeyaan xaaladda aan ku jirno, dadaal dheerna geliyaan sidii sare loogu qaadi lahaa wacyiga guud ee dhallinyarada.
Waxaa iyaduna lagama maarmaan ah in dowladdu xoog badan geliso sidii dhallinyarada aan nasiib u yeelan maamul wanaag iyo dowlad dhisan loo bari lahaa ahmiyadda dowladnimo, laba jibbaarna lagu sameeyo wacyi gelinta guud iyo barnaamijyo ka qayb qaata sidii dhallinyaradu u heli lehayd fahan fiican oo dhanka dowladnimada la xiriira.
Qofku markuu yaqaano waajibaadka saaraan iyo xuquuqda uu leeyahay waxaa yaraaneysa inuu sameeyo fowdo ama ka qayb qaato kharribaad wax u dhimi karta hannaanka dowladnimo.
Haddii ay dhacdo in khalad laguugu sameeyo ama xuquuq aad lahayd laga weeciyo waxaa kuu furan inaad marto waddooyin loo sameeyay in lagu xalliyo wixii khaldan laakin haddii aad khaladkii lagaa galay khalad kale kusii saxdo waxaa si badanaya dhibaatada, waxaana ka faa’iideysanaaya kuwa jecel fowdada.
Tusaalaha ahaan dadku xaq ayay u leeyihiin inay sameeyaan mudaaharaad ay ku dalbanayaan xuquuqdooda ama ku diidayaan dulmi lagu sameeyay, laakin xaq uma lahan inay ku xad gudbaan hantida guud ama hantida gaar loo leeyahy.
Caalamka oo dhan waa laga sameeyaa bannaanbax, waxayna isku soo baxyadu ka mid noqdeen dariiqooyinka kala duwan ee nidaamka jira lagu gaarsiiyo farriin iyo inaan raali laga ahayn sida ay wax u socdaan laakin bannaanbaxaas waxaa lagama maarman ah inuusan wax ku sii dheelin ee ujeedkisu noqdo sixitaan iyo xaq doon.
Bannaanbaxyada wata rabshado inta badan waxaa ka dhasha khasaaro kala duwan halka kuwa nabadeed lagu gaaro ujeedooyinkii laga lahaa.
Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa maanta saaran mas’uuliyad wayn oo ah in laga wada shaqeeyo sidii dalkaan loo gaarsiin lahaa horumar iyo wanaag iyagoo wax ka baranaaya dhibaatooyinkii lasoo dhaafay sidoo kalena ilaashanaya hannaanka dowladnimo.
Waxaa iyaduna xusid mudan sida aan ciwaanka ka dhigayba in ilaalinta hantida guud ay tahay mas’uuliyad wadareed loona baahan yahay in xil la iska wada saaro.
W.Q. Axmed Maxamed Axmed