Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Imaam Maxamed Yuusuf oo dhagax dhigay waddo isku xirta Muqdisho iyo Hobyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Imaam Maxamed Yuusuf oo dhagax dhigay waddo isku xirta Muqdisho iyo Hobyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasbada xariga looga jaraayey hirgalinta waddo cusub oo isku xiri doonta magalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxa ka qeyb galey Imaam Maxamed Yuusuf Cali, Gudoomiyeyaasha gobolada Baandir iyo Shabeelada Dhexe, Ugaasyo, Malaaqyo, Nabadoonno, Ganacsato, haween, Siyaasiyiin iyo ingineero ku howlan dhismaha wadadan oo laami casri ah la saarayo.

Wadadan oo uu dhagaxdhigey Imaam Maxamed Yuusuf ayaa isla maanta waxaa ka shaqo bilaabey gawaarida lagu falo geedaha iyo kuwa qashinka qaada, oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo ku tabarucay in loogu adeego dhismaha wadadan oo 560km ah, waxaana goobta lagu soo bandhigay sanduuq ay dadka kaga qeyb qaadan kaaran dhismaha waddadan, iyadoo ay hirgelinayaan Nabadoono iyo ganacsato Soomaaliyeed.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Xaaji Cabdi Imaan Cumar oo ah hormuudka waxgaradka hirgelinaya dhismaha wadadan iyo Axmed Cumar Calasow oo ka mid ah injineerada dhismaha ayaa si wada jir ah u tilmamay in waddadan ay muhiim u tahay bulshada degta Gobolada dalka.

Malaaqa Xamar iyo Xamar-daye Malaaq Cali Malaaq Maxamed Malaaq Wehliye, Ugaas Cabdullaahi Ugaas Fara cadde iyo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ahaa dadkii goobta ka hadlay ayaa xusay in bulshada looga fadhiyo inay ka qeyb qaatan dhismaha waxyaabaha danta guud.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Xuseen Guudlaawe ayaa sheegay in kan maamul ahaan ay ka qeyb qaadan doonan dhismaha wadadan, ayna ku baaqayaan in si wada jir ah looga qeyb qaato.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa bixiyay lacag 50-kun oo doolar ugu tabarucay dhismaha waddada bilow u noqon doonta, isla markaana ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan.

Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo dhagax dhigay waddada ayaa ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan dib u dhiska waddadan isku xiri doonto Muqdisho iyo Hobyo.


Previous Post

Wasiirada Difaaca iyo Amniga oo baarlamaanka su’aalo lagu weydiinayo

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In