Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

In ka badan 20 ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn xagga cirka ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
U.S., Federal Government of Somalia target al-Shabaab encampment
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu faah faahiyay duqeymo xagga cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday saldhigyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Weerarkan oo xagga cirka ah ayaa waxaa iska kaashaday dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, kaasi oo khasaare xoogan uu ka soo gaaray maleeshiyaadka Al–Shabaab.

Ilaa 26 ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyntaasi oo ka dhacday dhul buuralay ah oo kuyaala inta u dhexeysa deegaanka Garsaani iyo magalaada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wadarta guud ee argagixisada Al-Shabaab duqeymaha looga dilay maalmihii la soo dhaafay ayaa gaareysa 81, kuwaasi oo isugu jirta maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Hal howlgal oo ay si wada jir ah isaga kaashadeen dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah oo dhacay horaanta bisha Janaayo waxaa lagu dilay 52 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibadeeda caalamiga ah ayaa sii kordhisay howlgallada cirka iyo dhulka ah ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo argagixisada Al-Shabaab jab xoogan uu ka soo gaaray duqeymihii ugu dambeyeey ee ka dhacay Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya meelaha ay kaga dhuumaalaysanayeen.

Previous Post

Guddoomiye Mursal iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jordan

Next Post

QM iyo Turkiga oo cambaareeyey weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay Muqdisho

Next Post
QM iyo Turkiga oo cambaareeyey weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay Muqdisho

QM iyo Turkiga oo cambaareeyey weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In