Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

In ka badan 40 Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal Khawaarij  ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Gobalka Shabeelaha Hoose

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
In ka badan 40 Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal Khawaarij  ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Gobalka Shabeelaha Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka NISA oo kaashanaysa Saaxiibada Caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan ka fulisay Gobalka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Beerta Faay Yuusuf oo u dhow Tuulada Yimbis, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday Maleeshiyaad gabbaad ka dhiganayay hawdka iyo geedaha ku yaala deegaankaas.

Howlgalkan oo socday xalay ilaa maanta ayaa waxyeello culus loogu gaystay Argagixisada Al-shabaab ee ku sugnayd goobtaas, waxaana inta la hubo halkaas lagu dilay Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal tiradoodu gaarayso 45, iyada oo dhulka lala simay Teendhooyin Argagixisada hoy u ahayd, halka ilaa iyo hadda lagu raad-joogo maleeshiyaad firxad ah.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Maleeshiyaadka iyo Horjoogeyaasha la khaarijiyay ayaa maleegayay weeraro ay ku qaadaan deegaanka Bariire ee Gobalka Shabeelaha Hoose, balse Sirdoonka Qaranka oo helay xogtooda ayaa ka hortagay dhagarta ay diyaarinayeen, taas oo ka dhigtay wax dhintay iyo wax cararay oo la baadi-goobayo firxadkooda.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabbaad ka dhigtaan, iyadoo haatanna Ciidanka Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhul badan ka xoreeyeen Khawaarijta.

Previous Post

Wasaaradda Amniga XFS oo beenisay warar laga faafiyay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka

Next Post

Ciidanka Xoogga dalka ee Gorgor oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas khawaarijtu soo barakicisay

Next Post
Ciidanka Xoogga dalka ee Gorgor oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas khawaarijtu soo barakicisay

Ciidanka Xoogga dalka ee Gorgor oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas khawaarijtu soo barakicisay

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In