Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

In ku dhow 160 dhallinyaro Soomaaliyeed oo laga soo saaray xabsidayad Liibiya

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
In ku dhow 160 dhallinyaro Soomaaliyeed oo laga soo saaray xabsidayad Liibiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa ku guuleysatay fududeynta in 161 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xayiranaa dalka Libiya si iskood ah dalkooda loogu soo celiyo, iyadoo loo marayo barnaamijka Is-xilqaan ee Bani’aadantinimada (VHR).

Muwaadiniita dalka dib ugu soo laabatay, ayaa 74 kamid ah waxaa ay gaareen Magaalada Hargeysa balka 87 ay gaareen Magaalada Caasimadda ee Muqdisho, taasoo muujinaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay wax ka qabashada caqabadaha tahriibka iyo dib u soo celinta muwaadiniinteeda.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa ku nuux-nuux saday sida hagar la’aanta ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta Badqabka muwaadiniinteeda ku sugan dalka dibadiisa iyo sidii ay dalkooda ugu soo laaban lahaayeen. Dhanka kale Danjire Maryan Yaasiin, Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Muhaajiriinta iyo Xaquuqda Carruurta, ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay dadaallada la isku soo dubariday, iyadoo tilmaantay doorka muhiimka ah ee Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya ku leedahay ka hortagga caqabadaha Tahriibka.

Barnaamijkan Dib u soo celinta, ayaa waxaa gacan ka geystay Midowga Yurub, IOM, iyo UNHCR, kuwaas oo wax ku biirintoodu ay lama huraan u aheyd fududeynta soo celinta Muwaadiintan Soomaaliyeed.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Mudane Karin Johansson iyo Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya Manuel Marques Pereira, ayaa bogaadiyay tallaabooyinka fir-fircoon ee Soomaaliya ay uga hortagayso dhibaatooyinka haysta muwaadiniinta go’doonsan, ayagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee wax ka qabashada caqabadaha socdaalka.

Dhanka kale Mudane Danjire Cabdi Aadan, Safiirka Soomaaliya ee Liibiya, ayaa kaalin mug leh ka qaatay iskudubaridka dadaallada dhulka, xaqiijinta guusha hawlgalkan adag.

Barnaamijka,ayaa wuxuu muujinayaa iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay daneeyayaasha caalamiga ah waxayna ka tarjumaysaa sida ay dowladda uga go’an tahay ilaalinta muwaadiniinteeda iyo sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen bulshadadooda Qeybna uga qaadan lahaayeen Dib u dhiska Dalka.

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabbilay safiirka Dowladda Shiinaha 

Next Post

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay kulan muhiim ah

Next Post
Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay kulan muhiim ah

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay kulan muhiim ah

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In