Saturday, July 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Intee buu marayaa Ololaha doorashada dalka Kenya, Uhura & Railo ?

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 26, 2017
in Wararka
0
Intee buu marayaa Ololaha doorashada dalka Kenya, Uhura & Railo ?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa meel geba-gaba ah maraya ololaha doorashada dalka aanu deriska nahay ee Kenya, waxa uuna u dhaxeeya xisbiga talada haya ‘Jubilee’ oo uu isaga u sharaxan Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo xisbiga Mucaaradka, NASA, oo isna u tartamaya Ra’isul wasaarihii hore ee dalkaas Railo Odinga.

Doorashada ayaa loo madlan yahay 8-da bisha 8-deed (August) oo wax ku siman laba todobaad inaga xigta, waxaana ay madaxdani ay samaynaysaa isa soo baxyo ay dadka uga sharxayaan waxa ay qabanayaan haddii ay ku soo baxaan doorashada, balan-qaadyo waawayn oo dhanka nolosha, horumarka iyo amaanka dadka iyo dalka ayey samaynayaan labadan musharax, waxaana ay safaro ay ku kala tagayaan gobalada iyo magaalooyinka dalkaas.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

July 3, 2025
Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025

Dacaayadaha ololaha socda

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa dhawr jeer sheegay in xisbiga Mucaaradka aan dalkan lagu aamini karin, wax ajenda ahna aysan u haynin, isagoo ololaha Xisbiga Mucaaradka ee uu hogaamiye Railo Odinga ku sheegay mid ‘Copy & Paste” oo ay iyaga ka guuriyeen, wax cusub-na aysan u haynin bulshada reer Kenya.

Uhuru ayaa sidoo kale qaadacay oo diiday in uu ka qayb galo ‘Dood Warbaahineed’ oo 24-ka July ay ahayd in si wada jir ah uga wada qayb galaan, taasi oo wax looga waydiiyn lahaa isaga iyo Railo Odinga balse fursadaas uu lumiyey, waxaase 90-ka daqiiqo ku raaxaystay Odinga oo u kali noqday.

“ Kalama qayb gali karo dood qof aan wax ajenda ah u haynin dalkan, mana doonayo inaan wakhtiga ku lumiyo,” Sidaas waxaa ku jawaabay Uhuru oo doodaas sababta uu uga qayb gali waayey wax laga waydiiyey.

Railo ayaa sheegay in uu ku farax-san yahay in doodaas uu ka qayb galo oo uu ajiibo, wuxuu sheegay in dooda ay aad caafimaad ugu tahay bulshada loogana jawaabayo baahiyahooda iyo waxa ay filayaan.

“ Waxaan fursad u helay inaan dadka Kenyatiga kala hadlo arrimo ayaga saameynaya, waxan sidoo kale awood u helay inaan ka jawaabo baahiyadooda, arrimo aad qaali uga ah, waana waxa aan halkan kala tegayo maanta”,Odinga ayaa sidaa isna yiri isagoo xusay in Uhuru uu lumiyey fursad.

 Cabsida dhanka doorashada & goorta la shaacin karo natiijadeeda

Waxaa hubaal ah oo aan shaki ku jirin in musharaxiinta iyo taageerayaashooda ay ku jiraan xilli aan la hurdaynin oo waxa la hurdaa ay aad u yartahay, xisbi kastaa waxa uu ka fekarayaa sidii uu doorashada soo aadan uu uga guul keeni lahaa.

Uhuru Kenyatta ayaa cabsi ka qabo in uu aqbali waayo natiijada, dhigiisa loolanka kula jira haddii uu doorashada uu kaga guulaysato. “ Railo, waa in uu aqbalaa natiijada haddii aan kaga guulaysto doorashada”, Kenyatta ayaa meel fagaara ah ugaga sheegay warbaahinta waddankaasi.

Railo ayaa u sheegay taageerayaashiisa in ay galayaan wakhti adag oo dagaal, soo jeed iyo diyaar garow lagu qaato kaararka cod dhiibashada, wuxuu fariin culus u reebay ragga iyo dumarka.  “ Waxaan galaynaa dagaal, waa doorasho adag sidaas darteed, waa in aan wax galmo ama isku tag ah la samaynin maalinta 7-July, si aydaan u hurdin ama u caajisan 8-July doorashada guud, raggow ka fogaada haweenka, haweenkana waa in ay diidaan galmada oo ay shuruud uga dhigaan in ninka uu haysto kaarka dooorashada, ama ha inoo noqoto galmada xiliga guusha iyo dabaal degga”, Odinga ayaa asbuucan sidaas yiri.

Baraha bulshada sida Face book, What sup iyo shirkadaha filmaanta xayeysiiska sameeya ayaa dhibaato kale ku ah doorashada, waxaa dacaad Video ah laga sameeyey Railo oo Madaxweyne ah iyo habdhaqankiisa oo ay ku tilmaameen kaligii talis.

Guddiga doorashada madax banaan iyo xuduudaha dalkaasi ayaa go’aan ka gaaray goorta la shaacinayo natiijada doorashada guud ee dalkaasi, iyagoo meesha ka saaray warar sheegayey in doorashada lagu shaaciyo 7-saac gudahood balse waxa ay yiraahdeen in natiijada lagu shaacin doono 7-maalmood gudahooda.

Dhibaatada haysata Kenya

Dadka Kenya ayaa tira-koobkiisa igu dambeeyey oo uu sameeyey Bangiga Adduunka ‘World Bank’ ku sheegay 48. 46 million, waxaa haysata dhibaatooyin badan, waxaana kamida shaqao la’aanta oo meel sare gaartay, saboolnimo, abaarta oo sanad walba malaayiin khatar gelisa iyo fal-dambiyeedyo badan oo ka dhaca dalka.

Kenya waxa ay sidoo kale wajahaysaa khatar dhinaca argagixisada ah iyo la dagaalankiisa oo ku noqday mowjad ku soo furan-tay shantii sano ee ina soo dhaaftay kadib markii ciidankeeda gudaha dalkeena Soomaaliya u soo dirtay 2011 ayna markii dambe qayb ka noqdeen kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

Al-Shabaab ayaa weeraro argagixiso oo aad u xanuun badan ka gaystay gudaha Kenya si gaar ah ‘West-gate mall’ iyo Jaamacadda Garisa oo laba sano oo is xiga ka kale dhaceen, waxaa sidoo kale Wargayska Daily Nation oo ka soo baxa dalka Kenya uu bishan horaan-teeda soo wariyey inta weerar ee ay Shabaab-ka gaysteen deeganada dhaca dhanka Xeebta dalkaas kaliya, sida Lamu iyo deegaanada ku dhaw- dhaw, kuwaas oo uu ku sheegay in 50 weerar ay ka dhaceen oo qaarkood saraakiil lagau dilay. Shabaab waxa ay sidoo kale weerar ka gaysteen xeerooyinka Ciidanka Kenya ku lahaayeen gudaha Soomaaliya sida Ceel-Cade, Gedo iyo Kulbiyow oo Jubbada hoose ah waxaana ay Kenya ku waysay wiilaal iyo gabdho badan oo ciidankeeda ah.

Gunaanud

Waxa uga muhiimsan oo ay tahay in ay Kenyan-ka helaan ayna arkaan waa doorashada oo u dhacda si xaq iyo xalaal ah(or Democratic election), natiijadana guushana noqoto mid la aqbalo oo aan khilaaf ka dhalan sida dhacday 2007-dii, waxaa ay sidoo kale rabaan dadka Kenyan-ka ah amaankooda oo la xaqiijiyo.

Lama sheegi karo cida hanan karta guusha madaxtinimo doorashada waddankaasi balse waxaa aad loo saadaalinayaa in Madaxweynaha  hadda talada haya Uhuru Kenyatta uu mar kale ku guulaysan karo.

Waxaa qalinka u qaatay faaladan

Maxamed Cismaan Cabdi “ Black Cobra”

Chief of SONNA-English Service

[email protected]

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

MAQAAL:- Gudcurkii Iftiimay

Next Post
MAQAAL:- Gudcurkii Iftiimay

MAQAAL:- Gudcurkii Iftiimay

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa hey’adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In