Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Iran oo sharuud ku xirtay wada-hadallada Mareykanka

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Iran oo sharuud ku xirtay wada-hadallada Mareykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Iran ayaa Isniintii dalbatay in dowladda Mareykanka ay siiso damaanad qaad la xiriira inaysan ka bixi doonin heshiiska Nukliyeerka 2015, haddii ay guuleystaan wada-hadallada dib loogu soo nooleynayo heshiiska.

Wada-hadallo aan toos aheyn oo u dhaxeeya Iran iyo Mareykanka, oo hakad uu ku yimid bishii June kadib doorashadii madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi, ayaa lagu wadaa inay 29-ka November dib uga billowdaan Vienna, si loo helo hab dib loogu dhaqan-gelin karo heshiiska.

Heshiiska ayaa baaba’ay 2018, markii madaxweynihii hore ee Iran Donald Trump uu ka baxay islamarkaana dib usoo rogay cunaqabateenadii laga qaaday Iran, taasi oo horseeday in Tehran ay jebiso xadidaaddii la saary kobcinta macdanteeda uranium-ka.

β€œDowladda Mareykanka waa inay muujisaa inay awooddo inay damaanad qaado inaysan mar kale heshiiska ka bixi doonin, hadidi wada-hadallada dib loogu soo nooleynayo ay guuleystaan,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Iran Saeed Khatibzadeh oo shir jaraa’id qabtay.

Waxa uu sidoo kale dalbaday in Washington ay hanaan la xaqiijin karo ku qaado dhammaan cunaqabateenada ay saartay Iran, islamarkaana β€œay qirato qaladkii ay heshiiska ku jebisay.”

Diblomaasi reer galbeed ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in haddii Iran ay dalbaneyso damaanad qaad iyo in laga qaado dhammaan xayiraadaha, aysan markaas dhab ka aheyn wada-hadallada.

Khatibzadeh ayaa sheegay in Ali Bagheri Kani, oo ah wada-xaajoodaha Nukliyeerka Iran, uu toddobaadkan u safri doono saddexda caasimadood ee dalalka Yurub ee qeybta ka ah heshiiska Nukliyeerka.

Previous Post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay danjiraha Dalka Filand.

Next Post

Wafdi uu hogaaminaayo Wakiilka QM oo gaaray Baydhabo

Next Post
Wafdi uu hogaaminaayo Wakiilka QM oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hogaaminaayo Wakiilka QM oo gaaray Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In