Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi, oo ka mid ah guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Shacabka, islamarkaana uu wehliyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), ayaa kulan la yeeshay wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Dowladda Jarmalka, Niels Annen, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Sebastian Groth.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo abuuri lahaa xiriir iskaashi oo u dhaxeeya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Jarmalka, iyo sidii ay labada dhinac uga wada shaqeyn lahaayeen is-dhaafsiga khibradaha sharci-dejinta.
Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa loona horumarin lahaa xiriirka labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada sharci-dejinta, maamulka, iyo hannaanka hay’adeed ee Golaha.
Ugu dambeyn, Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi iyo wafdiga Jarmalka ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, iyaga oo adkeeyey in la joogteeyo kulamada noocaan ah, isla markaana la dardargeliyo iskaashiga laba-geesoodka ah.











