Guddiga doorashada oo ay sameysteen ismaamulka tigreega Itoobiya ayaa sheegay in saakay oo arbaco ah ay dhaceyso doorashada xilli guud ahaan doorashooyinka Itoobiya dib loo dhigay.
Guddigu wuxuu sheegay in la diyaariyay 2,672 (Laba kun lix boqol iyo todobaatan) goob oo laga codeyn doono, iyada oo ay codka dhiiban doonaan 2.7 malyan oo qof.
Doowlada federaalka Itoobiya ayaa doorashadan ku tilmaamtay sharci darro, waxaana diiday aqalka sare ee baarlamaanka dalkaas ee loo yaqaan house of federation.
Doorashada Itoobiya oo lagu waday in ay dhacdo bishii August ayaa dib loo dhigay muddo 9 bil ah cudurka karoonaha dartii balse ismaamulka tigreega waa ay diideen arintaasi.