Friday, October 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Isbitaalka Martiini Oo Lagu Soo Kordhinayo Qeybta Gargaarka deg dega ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Isbitaalka Martiini Oo Lagu Soo Kordhinayo Qeybta Gargaarka deg dega ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo Safiirka Dowladda Qadar oo maanta si wadajir ah u dhagax dhigey dhismaha qeybta Emergency-ga ee Isbitaalka Martiini.

Dhagaxdhigga waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Qatar ee Soomaaliya Amb. Hassan Bin Hamza Hashim,Madax howlgalada dibadda ee hey’adda Qatar Charity Nawaf Al Hamidi, Madaxa Qatar Charity ee Soomaaliya Cabdinuur Xaaji Cali iyo madax kale oo ka kala socotey labada dhinac.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Hey’adda Qatar Charity ayaa fulin doonta Mashruuca dhismaha qeybta gargaarka deg dega ah ee Isbitaalka Martiini xilli Soomaaliya ay ku jirto soo kabasho dhanka adeegyada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshad oo ay Wasaaradda Caafimaadka u dhaba xaareysa dhameystirka Barnaamijka adeegga Caafimaadka oo gaarka goob kasta.

Dhismaha qeybtan ayaa ah mid muhin u ah kor u qaadida howlaha Isbitaalku u qabto Bulshada Soomaaliyeed iyo xal u hellidda kiisaska deg dega ah ee ka dhaca guud ahaan dalka, gaar ahaanna Magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran oo ay ku nool yihiin Muwaadiniinta ugu badan ee ku nool hal Magaalo.

Isbitaalka Martiina ayaa ka mid ah xarumaha Caafimaad ee lafdhabarta u ah badbaadinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay gacanta ku hesyso Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoonna dhismahan cusub ee qeybta gargaarka deg dega ah loogu tala galey ay tahay qeyb loo qabey baahi wayno kuna soo aadey waqtigii loo baahnaa maadaama dalkeena ku jiro soo kabasho dhanka adeegyada Caafimaadka ee ay Bulshadeenu u baahan yihiin.

Madaxa howlgalada dibadda ee Hey’adda Qatar Charity Nawaf Al Hamidi ayaa xusey in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada harumarinta qeybta Caafimaadka ee Soomaaliya ka Hey’add ahaanna ay garab taagan yihiin Soomaaliya, Nawaf ayaa sheegey sidoo kale in muhiimad gaar ah ay u leedahay fulinta Mashaariic kala duwan oo lagu taageerayo barnaamijyada Caafimaadka Soomaaliya iyo tayeynta shaqaalaha Caafimaadka Dalkeena.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa ugu dambeyn Dowladda Qadar iyo Madaxda Hey’adda Qadar Charity ku amaaney sida ay uga go’an tahay ka qeyb qaadashada horumarinta Caafimaadka Dalka iyo wadashaqeynta kala dhaxeysa Wasaaradda Caafimaadka, Wasiirka ayaa sidoo kale soo hadal qaadey xoojinta Mashaariicda ay bixiyaan hey’addaha laga maamulo Qadar iyo in ladardargeliyo Mashaariicda kale ee ku saabsan arimaha Caafimaadka iyo Daryeelka Dalka.

Previous Post

Madasha Aragtida Cimilada Qaranka Oo Warbixin Soo Saartay

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Qaabilay Wafdi Ka Socday Qatar

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Qaabilay Wafdi Ka Socday Qatar

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Qaabilay Wafdi Ka Socday Qatar

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In