Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Isku aadka wareegga labaad ee tartanka oo la qori tuuray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
DAAWO: Tartamayaasha Degmada Shibis oo caawa si fudud ugu soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa la sameeyay qori tuurka wareegga labaad ee tartanka, kaddib markii la soo gabo gabeeyay wareegga koowaad ee tartanka.

Guddoomiyaha Guddiga tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka Maxamed Abuukar Axmed Ma’da ayaa sheegay in tartanka ay ka qeyb galeen 30 degmo, isla markaana wareegga koowaad ay ku soo baxeen 15 degmo, sida sharciga uu qabana waxaa sanadkasta lagu soo daraa hal degmo oo ka mid ah kuwii haray, taasi oo lagu qiimeynayo xagga dhibcaha iyo asluub wanaag.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Maxamed Abuukar Ma’da ayaa sheegay in qiimeyn kaddib tartamayaasha Degmada Boosaaso ay noqdeen kuwa ku soo baxay qiimeynta lagu sameeyay dhibcihii ay la timid markii laga badinayay oo ahayd 8 dhibcood, waxaana uu intaa ku daray in wareegga labaad ay u soo gudbeen 16 degmo.

Cabdinaasir Daahir Sabriye oo ka mid ah guddiga tartanka ayaa sheegay in qori tuurka uu u dhici doono si cadaalad ah, isla markaana ay cidkasta kala socon doonto dhalada qori tuurka.

  1. Yaaqshiid Vs Garoowe
  2. Jowhar Vs Warta Nabadda
  3. Jilib Vs Gaalkacyo
  4. Hodan Vs Wadajir
  5. Heliwaa Vs Shibis
  6. Xamar Jabjab Vs Kaxda
  7. Kismaayo Vs Xamarweyne
  8. Boosaaso Vs Deyniile

Habeen dambe ayaa la filayaa in uu ku bilowda wareegga labaad ee tartanka si ka duwan sidii hore, waxaana qeybta hore ee tartanka lagu daah furi doonaa Tartamayaasha Degmooyinka Yaaqshiid iyo Garoowe, waxaana wareegga labaad isku arki doono Jowhar iyo Warta Nabadda, taasi oo ka dhigan in habeen dambe ay afar degmo kulmi doonaan.

 

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa ku badiyay dhibcihii ugu badnaa ee tartanka, una soo gudbay wareegga labaad “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqday Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Xerada Balidoogle “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqday Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Xerada Balidoogle “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqday Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Xerada Balidoogle "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In