Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Isticmaalka Taabuugga iyo Xanuunada laga dhaxlo (SAWIRO)

admin by admin
8 years ago
in Maqaallo
0
Isticmaalka Taabuugga iyo Xanuunada laga dhaxlo (SAWIRO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

November 13, 2023
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

December 29, 2022
 

Inta aanan u galin dulucda Maqaalkaan, bal marka hore aan qeexno, waa maxay Taabuug, inteese laga keenaa?, Taabuuggu waa nooc ka mid ah Tubaakada, taasoo Afka la gashado, taasoo ay dadka cuno ku tilmaamaan inay ka helaan firfircooni, balse ay dhinac taallo dhibaatada uu u leeyahay caafimaad ahaan, waxaana laga keenaa Dalka Kenya, waxaana keena Diyaaradaha Qaadka.

Baaritaan lagu sameeyay Dadka cuno Taabuugga ee ku nool Soomaaliya, ayaa waxaa u badan dhallinyarada, gaar ahaan kuwa dhigta Dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha.

Baartiaanno kale oo dheeraad ah oo lagu sameeyay Dadka isticmaala Taabuugga ayaa lagu sheegay inay u badan yihiin Gabdhaha, taasina waxaa lagu ogaaday, dadka ka shaqeeya nadaafadda goobaha Waxbarashada ayaa sheegay inay ka soo ururiyaan Taabuugaasi musqulaha Gabdhaha, waxaase la yaab leh maxaa u sabab ah inay cunaan Hablaha da’da yar e mustaqbal ku leh Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed?, waase su’aal u baahan in dib loo baaro.

Dalkeenna Soomaaliya waxaa marka hore dhibaato ku haayay Qaadka,Sigaarka, Shiishadda ama Badeecada iyo Tubaakada, kuwaasi oo maaro loo la’aa, waxaase hadda ku soo biiray nooc ka mid ah Daroogada oo lagu magacaabo Taabuug, taasoo ah halis kale oo soo food saartay Dhallinyarada soo koreysa, taasoo la doonayo in lagu baabi’iyo Jiilasha Mustaqbalka dalka iyo dadkaba wax tari lahaa.

Qofka cuna Daroogada Loo yaqaano Taabuuga ayaa loo diray digniin xooggan oo dhanka Caafimaadka ah, haddaba sida aan ognahay wax kasto oo daraagis ah Saamayn ayay ku yeeshaan isticmaalaha, sidii doontaba ha ahaatee, waxaa lagu faafiyay Baraha Bulshada dhibaatada uu taabuugu u geesto Dadka isticmaala, taais oo Lagu muujiyay in uu aad u wax yeelooyo, Afka sida.Carabka.Ilkaha,Faruuryaha,Qaaxada iyo waliba Mindhicirada, waxaana xusid mudan in Baakadka ay ku jirto Taabuuggu ay ku dul qoran tahay Digniin ah, inta aad ka fileyso waxaa ka badan inta aadan ogeyn ee halis ah, si la mid ah digniinaha ku qoran Baakadka Sigaarka.

Digniino badan ayaa lagu faafiyay Baraha Caafimaadka waxaana u badan dadka cuna dhalinyarada, waana qayb ka mid ah digniinaha loo diro Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Haddaba sidaan ayuu noqonayaa Qofkii Isticmaala Taabuuka Afkiisa.

Xigasho:-SONNA.SO

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo” Fulinta Sharciga waa waajib nawada saaran dowlad iyo shacab”

Next Post

Duqa Muqdisho oo shaqada ka joojiyey shaqaale cabirey oo bixiyey dhul waddo ah

Next Post
Guddoomiye Yarisow oo magacaabay Guddi baaritaan ku sameeya sababta barakacayaasha xoogga looga saaray deegaanka KM 13

Duqa Muqdisho oo shaqada ka joojiyey shaqaale cabirey oo bixiyey dhul waddo ah

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

January 7, 2026
0

The Minister of Defence, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, today officially concluded a military training programme for units of the Gorgor...

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo ku guulaysatay siidaynta Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo 4 maalin ah ku xayirnaa xeebaha Dalka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Gorgor ee...

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

January 7, 2026
0

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah maanta u soo gabagabowday, iyadoo bulshada degmada ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In