Monday, September 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaaliyadda Soomaalida ee Johannesburg oo kulan casho ah u sameeyay Prof Cabdirisaaq “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Jaaliyadda Soomaalida ee Johannesburg oo kulan casho ah u sameeyay Prof Cabdirisaaq “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr Cabdirisaaq Axmed Dalmar ahna Dhaqtar ku Taqasusay qaliinka indhaha ayaa dalka Koofur Afrika waxaa uu ku tegay socdaal shaqo iyo shir caalami ah oo uu kaga qeybgalay magaalada Durban ee dalkaan Koofur Afrika.

Prof Dalmar waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Johannesburg kusoo dhaweeyay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida iyo madaxda hey’adda Universal Relief foundation ee fadhigeedu yahay dalka koofur Afrika, waxaana loo gudbiyay xaafada Soomaalida dagan tahay ee Mayfair halkaas oo ku booqday goobaha waxbarashada ee kala ah Dugsiga hoose dhaxe sare, madrasada Cumar Faaruuq iyo waliba Dugsiga Miftaacul culuum .

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026

Ardayda ayaa si diiran usoo dhaweeyay Prof Cabdirisaaq Dalmar ayaga oo sameeyay dhoola tusyo ay kusoo bandhigayeen qaabka wax loo baro iyo sida loogu dadaalay waxbarashooda iyo ka warqabka lagu haayo xilli walba, waxaana Prof Dalmar uu uga mahad celiyay Macalimiinta iyo Maamulka Hey’adaan asaga oo ardaydana ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan fursadaha ay heystaan

Sheekh Maxamed Cabdiraxmaan Abuukar oo ah maamulaha Hey’ada   Universal Relief foundation  ayaa warbixin guud waxaa uu ka siiyay Prof Dalmar marxaladaha ay wax ku baraan Carruurta iyo guulaha ay gaareen mudadii ay wadeen howshani.

“Baahida keentay in hey’aadaan aan aas aasno waxaa ay aheyd maadaama aan ku nool nahay dal ay joogaan dad kala duwan oo muslimiin ay ku jiraan, sidaa darteed waxaan go’aansaday waxbarashada aan gaarsiino shacabka kala duwan ee halkaan nagula nool, waxaa sidoo kale hey’ada bixisaa gargaar la siiyo dadka masaakiinta ah,xafiis labaad ayaan ka furan doona magaalada Muqdisho”ayuu yiri Sheekh Maxamed.

Intaasi kadib jaaliyada Soomaalida ayaa kulan casho ah u sameeysay Prof Cabdirisaaq Dalmar waxaana ka qeybgalay qeybaha kala duwan bulshada aqoon yahano iyo marti sharaf kale duwan kuwaa oo Dr Dalmar warbixin buuxda ka siiyay Xaalada Soomaalida ku nool dalkaani koofur Afrika.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Prof Cabdirisaaq Dalmar ayaa dhankiisa Jaaliyadda warbixin ka siiyay xaaladda guud ee dalkii hooyo ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in horumaro badan ay ka jiraan isla markaana jaaliyadda loo baahan yahay in ay qeybtooda ka qaataan.

“wadanka waxaa ka jira horumaro badan waxaa laga yaaba in aad Media ka aragtaan dhanka xun ee dalka oo kali ah, laakiin qofkii jooga ama yimaada waxaa uu arkayaa xaqiiqda ka jirta iyo horumarada uu gaaray o ka mid tahay cafimaadka ,waxbarashada ,ganacsiga bilicda magaalada, garoomada, IWM” ayuu yiri Prof Cabdirisaaq.

IMG_0872 IMG_0882 IMG_0891 IMG_0896 IMG_0898 IMG_0923  IMG_0942 IMG_0958 IMG_8231 IMG_8235  IMG_8246 IMG_8257 IMG_8259 IMG_8267  IMG_8285 IMG_8292 IMG_8296 IMG_8307  IMG_8326

C/laahi Qorshe

Johannesburg South Africa

 

Previous Post

Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 4aad” Akhriso+Dhageyso

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

September 21, 2026
0

Waxaa xalay magaalada Gaalkacyo lagu qabtay munaasabad lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda Adduunka, oo ku beegan 21-ka Sebtembar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In