Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka oo xaflad soo dhaweyn ah u sameeysay Wasiirka Gaadiidka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka oo xaflad soo dhaweyn ah u sameeysay Wasiirka Gaadiidka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kullan-weynahan ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Seattle ee Gobalka Washington ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo dhaweynayay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo maalmihii u dambeeyey booqasho ku joogay dalka Mareykanka.

 

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Waxgaradka, Haweenka, Aqoonyahanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo madasha soo dhaweynta ka hadlay ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee uu Wasiirku qabtay muddadii uu xilka hayay iyo guulaha ay gaartay dawladda Soomaaliya.

Jaaliyadda ayaa si gaar ah Wasiirka ugu amaanay dadaalada mira-dhalay ee la wareegida Hawada Soomaaliya iyo soo celinta hadda loogu jiro Shirkadii Diyaaradaha ee Somali airlines oo uu dadaal badan galiyey.

Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka oo madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyey Wasiirka, wuxuuna ku ammaanay Jaaliyadda Soomaaliyeed  dadaalka ay ka wadaan dalka iyo dibaddisa. ..

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa ka mahadceliyey kulanka ay u qabteen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Seattle, wuxuuna sheegay in ay qeyb weyn ka qaateen dowladnimada Soomaaliya iyo sidii ay sameynta ugu yeesheen siyaasadda dalka ay kunool yihii ee Mareykanka.

Mudane Oomaar wuxuu Jaaliyadda warbixin ka siiyey howlaha shaqo ee ay qabatay dowladda Federaalka iyo howlaha muhiimka ah ee ay qabatay Wasaaraddiisu, isagoo ku booriyay inay xoojiyaan taageerada ay la garab taaganyihiin dowladooda.

  

 WD/Abdihakim Abdi Ismail

War-baahinta Qaranka Seattle Washington Mareykanka.

 

Previous Post

Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay Oo Looga Hadlay Xulashada Hannaanka Federaalaynta Maaliyadda “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo la kulmay Iskaashatooyinka Kulluumeysatada+sawirro

Next Post
Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo la kulmay Iskaashatooyinka Kulluumeysatada+sawirro

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo la kulmay Iskaashatooyinka Kulluumeysatada+sawirro

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In