Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo ahaa mid casho ah ayaa jaaliyada waxaa ay la qaateen Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah Xukuumada Fadaraalka Soomaliya Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Cali Ceynte waxaana kasoo qeybgalay Waxgarad, aqoonyahanno, ardayda Jamacadaha haweenka iyo qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magalada Cape town ee dalka Koofur Africa.

Kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid labada dhinac ay isku dhaafsanayeen  xog, isla markaana lagu kala war qaadanayay, ayada oo xubnaha Jaaliyadda ee goobta ka hadlay ay Wasiirka xog ka siiyeen nolosha Soomaalida ku nool dalka Koofur Africa iyo dhibaatooyinka ay kala kulmaan kooxaha burcadda ee dalkaasi ku nool.

Related posts

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026

Maxamed Raage oo ah aqoon Soomaaliyeed oo wax ku bartay gudaha dalka Koonfur Africa waxaa uu goobta ka sheegay in Soomaalida dhibaatoyinka ay kala siman yihiin dadka kale ee ajaanibta ah ee usoo qaxay dalkaasi.

“Qaarkiin halkaan fadhiya waxaad heystan sharciga dalkan oo halka aad doontaan ku aadan sida dalalka Yurub iyo Mareykanka, dhinaca dilalka iyo dhibaatooyinka waxan kala simanahay dadka kale ee ku nool Koonfur Africa, lakiin Soomaali hadaan nahay saameyn ayey nagu leedahay arrinta”ayuu yiri Maxamed Raage.

Cabdullaahi Cali Xasan waxa uu ka mid yahay ganacsatada Soomaalida waxaa uu sheegay in Soomaalida ay fursado badan ku heystaan gudaha dalka koofur afria dhinaca ganacsiga marka laga eego.

“Mar dhaxe waxaa bilaabay dukaamada yaryar in Soomaalida ay ku noqdan shirkado halkaas ayuu ganacsiga kusii balaartay, waxaa la gaaray in Soomaalida ay sameystaan shirkado waa weyn oo wax laga iibsado”ayuu yiri Cabdullaahi.

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah oo goobta ka hadlay ugu dambeyntii waxa uu jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Africa ugu baaqay in ay wax la qaybsadaan dadka ay ku nool yihiin.

“Waxaa dalka wax loo tari karaa is leeyahay in meesha la joogo wax laga qabsado, aqoonta oo kale, ganacsiga laga faa’ideysto kadib fursado kale dalka la keeno, xitaa aragtiyo wax lagu dhisi karo ayaa la keeni karaa dalka iyo dadka looga faa’ideyn karaa” ayuu yiri Wasiir Ceynte.

Ugu Dambeyntii qaar ka mid ah xubnaha kala duwan ee kulanka ka qeyb galay ayaa halkaasi Wasiirka ku weydiiyay su’aalo la xariira marxaladda dalka uu marayo, ayada oo Wasiirka uu ugu jawabayay si wanaagsan  dhaman su’aalahii la weydiiyay oo ay ku qanceen jaaliyadda waxaana shirka uu kusoo dhamaaday jawi aad u wanaagsan.

IMG_1063 IMG_1079 IMG_1085 IMG_1095 IMG_1120 IMG_1131 IMG_1132

Cabdullaahi Qorshe Cape Town South Africa

Previous Post

Akhriso sida loogu kala Guuleystay Koobka Champions League-ga ilaa Markii La Bilaabay sanadkii 1955-tii

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In