Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo lacag soo gaarsiiyay carruur ay aabayaashood ku dhinteen qaraxii Soobe

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo lacag soo gaarsiiyay carruur ay aabayaashood ku dhinteen qaraxii Soobe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

200 oo Carruur ah oo ka mid ah Agoontii ay ka tageen dadkii ku dhintay Qaraxii 14-ka bishii October ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa loo qeybiyay deeq lacageed oo ka timid Jaaliyadda Soomaalideed ee Koofur Afrika.

Lacagta oo gaareysa oo ku dhowaad 70,000 (todobaatan kun) oo dollarka Mareykanka ayaa Qofkiiba waxaa la siiyay 300 oo dollar, iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen Waalidiinta Carruurta iyo Guddiga gurmadka Qaranka.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Sheekh Maxamuud Maxamed Cadar oo ka mid ah Jaaliyadda Koonfur Afrika ee loo soo wakiishay kaalmadaan ayaa sheegay in abaabulkii ay saameeyeen Jaaliyadda ay ku timid in maanta lagacagtan la soo gaarsiiyo carruurtii ku agoontowday qaraxii musiibada ahaa ee 14-kii October.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Taakuleynta Qaranka Maxamed Yuusuf Jaamac Tigeey iyo Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo xubin ka ah Guddiga ayaa sheegay in deeqdaan ay muujineyso sida Soomaalida ay isugu danqaneyso, iyaga baaq u diray bulshada inteeda kale.

Xasuuqii Isgoyska Soobe ayaa mideeyay bulshada Soomaalida oo tan iyo markaasi kaalin muuqata ka qaatay gurmadka Qoysaskii Eheladooda ku waayay halkaasi, iyada oo wali ay soconayaan dadaallada looga jawaabayo baaqyada ka imaanaya guddiyada gurmadka.

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA: kulankii Wadatashiga ah ee looga hadlayay horumarinta Warbaahinta dalka oo lagu qabgay Wasaaradda Warfaafinta

Next Post

AKHRISO:- Heshiiska ay gaareen TVga Qaranka iyo TVyada Dowlad Gobaleedyada

Next Post
AKHRISO:- Heshiiska ay gaareen TVga Qaranka iyo TVyada Dowlad Gobaleedyada

AKHRISO:- Heshiiska ay gaareen TVga Qaranka iyo TVyada Dowlad Gobaleedyada

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In