Soomalida ku nool Zürich ee dalka Switzerland oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Taliyaha cidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa waxa ay u balan qaadeen inay ka qeyb qaadanayaan dhismaha Xabsiga dhexe ee Xamar.
Qaar ka mid ah Jaaliyadda magalada Zurich oo goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa taliyaha weydiiyay su’aalo la xiriira xaaladda maxaabiista xabsiga ku xiran, waxyaabaha uu ka badalay xabsiga, waxaana su’aalaha kadib ay sheegeen inay dhankooda gacan ka geysan doonaan dib u dhiska Xabsiga dhexe.
Taliyaha cidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa jaaliyadda uga warbixiyay xaaladda guud ee ciidanka Asluubta iyo maxaabiista xabsiga ku xiran, isagoo xusay in tan iyo markii uu xilka la wareegay uu isbadal badan dhanka xabsiga ku soo kordhiyay, isla markaana ay maxaabiistu uga mahadceliyeen howsha uu qabtay.
Taliye Bashiir Goobe oo si wanaagsna u sharaxaey xaaladda xabsiga ayaa waxaa uu ahdaladiiisa ku daray ”waxaan wadnaa in dadweynaha Soomaaliyeed oo ganacsatada ah inay ka qeyb qaataan dhismaha ugu yaraan qolalka ay ku xiranyihiin maxaabiista oo halkii qol laga rabo 100 sariir iyo labo musqulood hadana qaar ayaan helay”’.
Ugu dambeyntii Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa Soomaalida Zurich ka codsaday in ay hal qol qaataan qolkaas oo ay ku nool yihiin 100 dhallinyaro ah, ayna ku baxeyso 8,000 kun oo dolar, iyadoo Jaaliyadda oo boorka iska jaftay ay balan qaadeen inay bixinayaan lacagaas.