Jaamacadda SIU ayaa maanta u dirtay Jaamacadda Umu-durmaan ee dalka Sudan, kuwaasi oo tiradoodu gaarayso sagaal Arday, oo sanadkii ugu dambeeyay ee barashada cilmiga caafimaadka ee loo yaqaano Internship-ka ku soo qaadana Isbitaallada Jaamacadda Umudurmaan ee dalka Sudan ee kala ah Umudurman University Teaching Hospital iyo Umudurman Maternity Hospital.
Dr Dahir Cali Abtidon oo ah Madaxa Tababarada ee Jaamacada Somali International University (SIU) oo ka hadlay Xafladii Ardayda lagu sagootinayay oo ka dhacday garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in ay ardaydan fursad weyn u tahay in sanadkii ugu dambeeyay ee barashada Cilmiga Caafimaadka ay Jaamacadda Umudurman Islamic University ku soo qaataan “Maanta waxay idin tahay fursad weyn in Jaamacadda Umudurmaan labadeeda hospital ee ugu waa weyn in aad Internship ku soo qadataan“
Dhinaca Madaxa Xafiiska xiriirka caalamiga ee Jaamacadda SIU Dr. Andrew Okello ayaa waxaa uu balan qaaday in ay sii wadi doonaan in ay ardayda udiri doonaan Jaamacadaha dibada ee xirirka fiican la leh si ay ugu soo qaataan Internship ka sanadka ugu dabeeya .
Adayadan oo horay Jaamacada Makarerre ee dalka Uganda ugu soo qaadatay qeyb ka mid ah waxbarashadooda ayagoo ka faa’idaysanaya heshiiska dhexmaray Jaamacadda SIU iyo Jaamacada Makarerre e dalka Uganda.
Ardaydan ayaa waxaa la rajeynayaa in ay ku soo laabtaan dalka ayagoo ah howlwadeeno caafimaad oo xirfadlayaal ah, waxaana dhawaan xaflad sagootin ah loogu sameeyay xarunta dhexe ee Jaamacadda SIU