Jaamacadda Jamhuuriya ee Culuumta iyo Tiknaloojiyadda (JUST) ayaa lagu qabtay xaflad lagu soo dhaweynayay ardayda cusub ee Jaamacadda, kaasi oo ay ka qeyb galeen maamulka sare ee Jaamacadda iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.
Xafladda waxaa hadalo soo dhaweyn ah ka soo jeediyay Maamulka sare ee Jaamacadda Jamhuuriya, waalidiin iyo midowga Ardayda Soomaaliyeed, kuwaasi oo ardayda ku soo dhaweeyay inay ka faaโiideystaan kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda bixiso.
Ugu dambeyntii goobta waxaa suugaan ka tarjumeysa waxbarashada sare ee dalka ku soo bandhigay qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda.