Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaamacadda SIU oo xaflad sagootin ah u sameysay arday loo dirayo dalka dibadiisa “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Jaamacadda SIU oo xaflad sagootin ah u sameysay arday loo dirayo dalka dibadiisa “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladdan sagatoonta ah ee loo sameeyay sideed arday oo ka mid ah ardayda barata kuliyadda caafimaadka, oo ah dufcaddii saddexaad oo ay Jaamacadda waxbarasho dibadda ah ugu dirto Jaamacado caalami ah oo ku yaala dalalka bariga Afrika ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka sare ee Jaamacadda SIU, Macalimiin, waalidiin iyo arday, kaasi oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Jaamacadaasi.

Qaar ka mid macalimiinta iyo ardayda Jaamacadda SIU oo xafladda hadalo ka jeediyay ayaa sheegay inay tahay tallaabo lagu farxo in Jaamacaddu waxbarasho dibadda ah u dirto qaar ka mid ah ardayda Kuliyadda caafimaadka, waxaana ay ardayda kale ku booriyeen inay muujiyaan dadaal dheeri ah oo ku aadan inay sare u qaadaan tacliinta sare.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Ku-xigeenka Madaxa caafimaadka ee Jaamacadda SIU Dr Cabdiraxmaan Xasan Maxamed oo xaflad ka hadlay ayaa sheegay in ardaydan ay tahay dufcaddii ugu horeysay sanad waxbarasho ku soo qaadan doono Nairobi University, isagoo xusay in horey Jaamacaddu ay ku guuleysatay in waxbarasho sidan oo kale ay tiro arday ah ugu dirto Jaamacadaha Makerere, Mbarara iyo Gulu ee dalka Uganda.

“Runtii Xafladan labada wax ayay kaga duwantahay, tan koowaad ardayda markii hore waxaa loo diri jiray Jaamacadaha Makerere, Mbarara iyo Gulu ee dalka Uganda, runtii maanta kuwan waxaa loo dirayaa Nairobi University oo ah markii ugu horeysay, marka waxaa laga rabaa inay xoojiyaan aqlaaqdooda, ayna ogaadaan u jeedka halkaasi loogu dirayo” ayuu yiri Dr Cabdiraxmaan.

Maryan Cabdi Maxamed oo ku hadlaysay magaca waalidiinta ardayda sagootinta loo sameeyay ayaa Maamulka Jaamacadda SIU uga mahadcelisay dadaalka ay ku bixinayaan in ardayda kuliyadda caafimaadka ay sanad waxbarasho ku soo qaataan jaamacado ku yaalla dalka dibadiisa, iyadoo kula dar daarantay inay ka fekeraan waxbarashadooda.

“Maamulka Jaamacadda SIU waxaan uga mahadcelinayaa fursada ay siiyeen ardayda kuliyadda caafimaadka, runtii oo ay kaga tilmaamanyihiin Jaamacadaha kale ee dalka, marka waxaan ardayda kula dar daarmayaa inay si wanaagsan wax u soo bartaan, kuwa harayna ay muujiyaan dadaal dheeri ah, si ay u helaan fursadan oo kale” ayay tiri Maryan.

Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda SIU Maxamed Yuusuf Cumar ayaa hoosta ka xariiqay in ujeedka ay Jaamacaddu waxbarasho dibada ah ugu direyso ardayda ay tahay sidii ay u soo kororsan lahaayeen aqoon dheeraad, isla markaana ay noqdaan dhaqaatiir dhinac waliba ka dhisan oo u adeega bulshadooda, loogana baahanyahay inay ilaaliyaan sumcadda iyo dhaqanka dalkooda.

“Maanta waxaan inta isugu nimid sagootinta ardayda loo dirayo Nairobi University ee dalka Kenya, waa dufcaddii saddexaad, runtii u jeedka aan ka leenahay waa in la heli dhaqaatiir, marka waxaan idinkula dar daarmayaa inaad ardayda asaagiina ah aad wax la qeybsataan” ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Waa markii saddexaad oo ay Jaamacadda SIU arday u direyso Jaamacado ku yaala dalka dibadiisa, waxaana ardaydii maanta ay qeyb ka noqonayaan 65 arday oo Jaamacadda ay u dirtay Jaamacadaha Makerere, Gulu iyo Mbarara ee Wadanka Uganda, halka kuwii maantana loo dirayo Nairobi University ee dalka Kenya.

IMG_0193 IMG_0195 IMG_0197 IMG_0201 IMG_0205 IMG_0208 IMG_0210 IMG_0215 IMG_0216 IMG_0217 IMG_0222 IMG_0223 IMG_0224 IMG_0225 IMG_0229 IMG_0230 IMG_0234 IMG_0237 IMG_0238 IMG_0240 IMG_0241 IMG_0243 IMG_0245 IMG_0247 IMG_0249 IMG_0250  IMG_0258 IMG_0260 IMG_0263 IMG_0267 IMG_0270 IMG_0274 IMG_0282 IMG_0286 IMG_0288 IMG_0290 IMG_0291 IMG_0292 IMG_0293 IMG_0294 IMG_0298 IMG_0300 IMG_0305 IMG_0306 IMG_0310 IMG_0315 IMG_0320 IMG_0323 IMG_0331 IMG_0332 IMG_0334 IMG_0343 IMG_0347 IMG_0349 IMG_0354 IMG_0357 IMG_0366 IMG_0370 IMG_0377 IMG_0383 IMG_0386 IMG_0388 IMG_0390 IMG_0392 IMG_0393 IMG_0394 IMG_0396 IMG_0397 IMG_0399 IMG_0405 IMG_0407 IMG_0411

Sawir Qaade:-Maxamed Macalin Xasan “White-ka”

Previous Post

Gabar yar oo ku xanuun sanaysa muqdisho oo deeq lacageed la gaarsiiyay”SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In