Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed faraceeda Caabud-waaq oo lagu dhisayo barnaamijka Isxilqaan

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed faraceeda Caabud-waaq oo lagu dhisayo barnaamijka Isxilqaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed  Dr.Muxamad Axmad Jimcaale  oo ay weheliyaan masuulyiin ka tirsan maamulka degmada caabudwaaq ee gobalka G/gaduud,  qaybaha  bulshada  iyo  jaaliyadda soomaaliyeed ee deegaanka ka soo jeeda ayaa ka qaybgalay olalaha isxilqaan ee lagu dhisayo  qaybo hor leh oo lagu soo kordhinayo  jaamacadda, qorshahaasi oo qayb ka ah dadaalada ballaarinta hawlaha jaamacadd, si dadka soomaaliyeed ay fursad ugu helaan in adeegga waxbarashada  jaamacadda loo soo dhaweeyo.

Hindisaha  qorshahaan oo ay leedahay  Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hirgalay deegaanada  dawlad goboleedyada  dalka, taasi oo horseed u noqotay in  bulshada ku dhiiradaan inay isku tashi sameeyaan si adeegyadii ka burburay ay dib ugu dhistaan .

Related posts

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo dib u bilaabeyso bixinta adeegyada baasaboorka 

March 10, 2026
Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026

Gudoomiyaha Jaamacadda  Umadda Soomaaliyeed Dr.Maxamad Axmad Jimcaale oo la hadlay warbaahinta qaranka  ayaa uga mahadceliyay bulshada ku dhaqan degmada  Caabudwaaq  sida ay usameeyeen isku tashiga ,waxaana uu intaa ku daray  in qorshahaan ay dawladda soomaaliya door ka qaadandoonto, si looga  mira dhaliyo hiigsiga dawladda Soomaaliya ee ku aadan  hormarinta  waxbarashada dalka iyo soo celinta xarumahii Jaamacadda  umadda  ee gobolada dalka .

Waxaa socda   dhismaha  Fasaladii ay  ardayda casharada ku baranayeen ,maadaama  ay baahida ardayda deegaanka ay korodhay,waxaa qorshaha  dhismahaasi  taageeraya  Ra’iisulwasaha dalka  md:Xasan Cali Khayre uu balanqaaday bulshada markii uu tagay  degmadaasi.

Waxyaabaha kale lagu soo kordhinayo Jaamacadda Umadda faraceda Caabudwaaq waxaa ka mid ah  dhismaha maktabad wayn oo ay ardayada Caabudwaaq wax ku aqristaan  dhismaha hoolka shirarka iyo meel dadku ay ku nastaan.

Gudoomiya J.U.S wuxuu xusay in marxalado kala duwan laga  soo maray dib u hawlgalinta jaamacadda umadda  soomaaliyeed   hadana  ay hormuud ka tahay waxbarashada  dalka, waxaana  lagu bilaabay kulliyado  dhawr ah  hadana  ay rajanayaan in kuwo cusub lagu soo kordhindoono haddii Alle idmo.

“370 arday  ayaa  lagu  bilaabay  jaamacadda maantana tirada  ardayda afar kun oo arday ayay ku sii  dhawdahay ,waxaana soo kordhinaynaa kuliyadii  aan is dhahno  baahi ayaa loo qabaa, sida Kulliyada sayniska oo aan bilaabayno sanadkaan.

Xaruntii  gahayr ayaa  qorshaynaynaa  in darbi lagu wareejiyo waxaa dayactiri doonaa  galaasyo bur bur gaaray ayuu yiri  Gudoomiyaha  Jaamacadda umadda Soomaaliyeed.

Jaamacadad umadda ayaa sanadkii 2013dii dib loo hawlgaliyay,waxaana ka muuqda harumar ballaaran oo dhinaca waxbarashada ah, waxaana sii kordhaya tirada ardayda iyo xarumaha jaamacadda ay ka hirgalinayso gobolada dalka.

Previous Post

Maalinta Qaran ee Qoxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed oo Muqdisho laga xusay+sawirro

Next Post

Ergada degmada Cadaado ee Shirka dib- u heshiisiinta Galmudug oo goor dhaw gaaray Dhuusamareeb

Next Post
Ergada degmada Cadaado ee Shirka dib- u heshiisiinta Galmudug oo goor dhaw gaaray Dhuusamareeb

Ergada degmada Cadaado ee Shirka dib- u heshiisiinta Galmudug oo goor dhaw gaaray Dhuusamareeb

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo dib u bilaabeyso bixinta adeegyada baasaboorka 

March 10, 2026
0

Safiirka JF Soomaaliya ee dalka Yemen Danjire Cabdixakiim Maxamed Axmed oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka...

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

March 9, 2026
0

Magalada Muqdisho ayaa martigelisay munaasabad lagu daahfurayay Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya, taas oo si wadajir ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In