Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed faraceeda Caabud-waaq oo lagu dhisayo barnaamijka Isxilqaan

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed faraceeda Caabud-waaq oo lagu dhisayo barnaamijka Isxilqaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed  Dr.Muxamad Axmad Jimcaale  oo ay weheliyaan masuulyiin ka tirsan maamulka degmada caabudwaaq ee gobalka G/gaduud,  qaybaha  bulshada  iyo  jaaliyadda soomaaliyeed ee deegaanka ka soo jeeda ayaa ka qaybgalay olalaha isxilqaan ee lagu dhisayo  qaybo hor leh oo lagu soo kordhinayo  jaamacadda, qorshahaasi oo qayb ka ah dadaalada ballaarinta hawlaha jaamacadd, si dadka soomaaliyeed ay fursad ugu helaan in adeegga waxbarashada  jaamacadda loo soo dhaweeyo.

Hindisaha  qorshahaan oo ay leedahay  Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hirgalay deegaanada  dawlad goboleedyada  dalka, taasi oo horseed u noqotay in  bulshada ku dhiiradaan inay isku tashi sameeyaan si adeegyadii ka burburay ay dib ugu dhistaan .

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Gudoomiyaha Jaamacadda  Umadda Soomaaliyeed Dr.Maxamad Axmad Jimcaale oo la hadlay warbaahinta qaranka  ayaa uga mahadceliyay bulshada ku dhaqan degmada  Caabudwaaq  sida ay usameeyeen isku tashiga ,waxaana uu intaa ku daray  in qorshahaan ay dawladda soomaaliya door ka qaadandoonto, si looga  mira dhaliyo hiigsiga dawladda Soomaaliya ee ku aadan  hormarinta  waxbarashada dalka iyo soo celinta xarumahii Jaamacadda  umadda  ee gobolada dalka .

Waxaa socda   dhismaha  Fasaladii ay  ardayda casharada ku baranayeen ,maadaama  ay baahida ardayda deegaanka ay korodhay,waxaa qorshaha  dhismahaasi  taageeraya  Ra’iisulwasaha dalka  md:Xasan Cali Khayre uu balanqaaday bulshada markii uu tagay  degmadaasi.

Waxyaabaha kale lagu soo kordhinayo Jaamacadda Umadda faraceda Caabudwaaq waxaa ka mid ah  dhismaha maktabad wayn oo ay ardayada Caabudwaaq wax ku aqristaan  dhismaha hoolka shirarka iyo meel dadku ay ku nastaan.

Gudoomiya J.U.S wuxuu xusay in marxalado kala duwan laga  soo maray dib u hawlgalinta jaamacadda umadda  soomaaliyeed   hadana  ay hormuud ka tahay waxbarashada  dalka, waxaana  lagu bilaabay kulliyado  dhawr ah  hadana  ay rajanayaan in kuwo cusub lagu soo kordhindoono haddii Alle idmo.

“370 arday  ayaa  lagu  bilaabay  jaamacadda maantana tirada  ardayda afar kun oo arday ayay ku sii  dhawdahay ,waxaana soo kordhinaynaa kuliyadii  aan is dhahno  baahi ayaa loo qabaa, sida Kulliyada sayniska oo aan bilaabayno sanadkaan.

Xaruntii  gahayr ayaa  qorshaynaynaa  in darbi lagu wareejiyo waxaa dayactiri doonaa  galaasyo bur bur gaaray ayuu yiri  Gudoomiyaha  Jaamacadda umadda Soomaaliyeed.

Jaamacadad umadda ayaa sanadkii 2013dii dib loo hawlgaliyay,waxaana ka muuqda harumar ballaaran oo dhinaca waxbarashada ah, waxaana sii kordhaya tirada ardayda iyo xarumaha jaamacadda ay ka hirgalinayso gobolada dalka.

Previous Post

Maalinta Qaran ee Qoxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed oo Muqdisho laga xusay+sawirro

Next Post

Ergada degmada Cadaado ee Shirka dib- u heshiisiinta Galmudug oo goor dhaw gaaray Dhuusamareeb

Next Post
Ergada degmada Cadaado ee Shirka dib- u heshiisiinta Galmudug oo goor dhaw gaaray Dhuusamareeb

Ergada degmada Cadaado ee Shirka dib- u heshiisiinta Galmudug oo goor dhaw gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In