Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jabuti oo u dabbaal dagtay 41-sano guurada xorriyadeeda.(Sawirro)

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Jabuti oo u dabbaal dagtay 41-sano guurada xorriyadeeda.(Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026

Munaasabadda Xuska sanad guurada 41aad ee kasoo wareegatay sanadkii 1977dii xiligii walalaha jamhuuriyada jabuuti ay xornimada ka qaateen gumeystihii faransiiska oo subaxnimadii hore ee saaka ka bilaabatay Barxada Sheekh Cusmaan ee Magaaladda Jabtuuti waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Ismaacil Cumar ,Madaxda kale ee wadankan iyo saraakiisha Ciidanka dalkan. Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha golaha shacabka ee JFS oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkan jabuuti ayaa sidoo kale ka qeyb galay dabaal dega xornnimada jabuuti. Sidoo kale shacabka reer jabuuti ayaa isugu soo baxay goobta dabaal degan uu ka dhacayay ,waxaana isla goobta lagu saaray Calanka Jamhuuriyada Jabuuti.

Maadaxweynaha jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar geele ayaa isaga oo saaaran gaari kor ka furan waxa uu salaan ka qaatay Ciidanka Dalkan Jabuuti. Qeybaha kala duwan ee Ciidanka Dalkan Jabuuti oo socod gaardis ah ku maray Madaxda munaasbada joogtay hortooda ayaa intaasi ka dib waxaa goobta lagu soo bandhigay walaalaha jamhuuriyada Jabuuti oo ay ku jiraan Ciidan,gawaarida gaashaan ,hubka noocyadiisa kala duwan iyo diyaarado.

Intaasi ka dib shacabka reer jabuuti aya isugu soo baxay Madaxtoyada dalkan jabuuti waxana halkaasi kula hadlay Madaxweynaha jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ,waxaana uu ugu hambaleeyay 41sano guuradii kazoo wareegatay markii xornimada qaateen,isagoo sheegay in qofka walba looga baahanyahay in dhankiisa uu dalka ugu hiiliyo lana xuso halyeeyadii dalkan gaarsiiyay xornimada uu manta u dabaal degaayo.

Sidoo kale Madaxweynaha jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa inta uu la hadlayay shacabkiisa waxa uu ka hadlay arimaha soomaaliya,isagoo sheegay in Soomaaliya colaado sokeeyo oo ay soo martay ka dib manta ay sameysay horumar ku dayasho mudan islamarkaana shacabka labada wadan ay yihiin walaalo aan marnaba kala maarmin jabuutina ay dadaal walba ku bixineyso horumarka dowladnimo ee Soomaaliya,wuxuuna caalamka ugu baaqay in uu Soomaaliya ka taageero sidii ay u horumari laheyd.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cbadiraxmaan ayaa xusay in xoriyadda Jabuti maanta u dabaal dagayso ay farxad galinayso Soomaaliya, islamarkaana ay samaysay horumar balaaran muddo 41-sano ah oo wax laga baran karo.

Previous Post

Madaxwayne Farmaajo oo Jabuti ugu hambalyeeyey maalinta xoriyadda

Next Post

Diyaar garowga ololaha cafis oo si habsami leh uga socda Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Diyaar garowga ololaha cafis oo si habsami leh uga socda Soomaaliya “SAWIRRO”

Diyaar garowga ololaha cafis oo si habsami leh uga socda Soomaaliya "SAWIRRO"

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

March 9, 2026
0

Magalada Muqdisho ayaa martigelisay munaasabad lagu daahfurayay Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya, taas oo si wadajir ah u...

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

March 9, 2026
0

Dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha International Association of Ports and...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In