Wednesday, October 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jamhuuriyadda Chile ee Koonfurta America oo Codsi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya.

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Jamhuuriyadda Chile ee Koonfurta America oo Codsi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku Simaha Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia ahna u qaybsanaha safaaradda JFS ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee UNECA mudane Shaafici Nuur Calas ayaa xarunta Safaaradda JFS ee Addis Ababa ku qaabilay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Chile Ambassador Alex Wetzig iyo danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee dalka Ethiopia Ambassador Fernando Zalaquett.

Kulankan ayaa ka dhashay codsi rasmi ah oo ay dhowaan Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee Addis Ababa soo gaarsiisay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia, kaasi oo salka ku hayay baadi goobka taageero Diplomaasiyadeed oo ay Jamhuuriyadda Chile si rasmi ah u waydiisanayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, maadaama Dawladda Chile ay u sharaxan tahay hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana ay ka dalbanayso Dawladda Soomaaliya inay ku taageerto oo siiso Dawladda Chile codka rasmiga ah ee ay Soomaaliya ku leedahay fadhiyada rasmiga ah ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

Golaha Xuquuqul Insaanka ayaa doorashadiisu ka dhacaysaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York (Oktoobar 2022), gaar ahaan inta lagu guda jiro kulanka ama fadhiga 77-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyadoo dalka ku guulaysta hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay ay mudada xil hayntiisu noqon doonto laba sano oo ka bilaabanaya sanadka 2023, kuna ekaan doona sanadka 2025.

“ Dawladda Chile waxay jeclaan lahayd inay si naxariis leh uga codsato Dawladda Soomaaliya taageeradeeda qiimaha leh ee ku aadan doorashada Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay, sidoo kale Chile waxay waydiisanaysaa Soomaaliya inay ka hesho macluumaad dheeraad ah oo taageeraya codsiga Chile” ayaa lagu yiri warqadaha codsiga ee ku jira galkan ay Dawladda Chile usoo gubdisay Dawladda Soomaaliya.

Dawladda Chile, waxay intaa ku dartay inay diyaar u tahay inay Soomaaliya kala shaqayso horumarinta Dawladnimadeeda, isla markaana ay ku taageerayso Soomaaliya mashaariic horumarineed oo kala ah, Iskaashiga Khuburada ku Xeel dheer Wax Soo Saarka Khayraadka Badaha, Tababaridda Ciidamada Ilaalada Xeebaha Soomaaliya iyo La Dagaalanka Kalluumaysiga Sharci Darrada ah.

Danjire Shaafici Nuur Calas ayaa ugu horayn ku bogaadiyay Jamhuuriyadda Chile codsiga iyo dalabka rasmiga ah ee ay usoo gudbisay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo u sheegay in Dawladda Soomaaliya ay leedahay siyaasad qoran oo qeexan oo soo dhoweynaysa Dawlad kasta oo kamid ah Dawladaha caalamka ee doonaysa inay Soomaaliya la yeelato xiriir saaxiibtinimo iyo mid Diplomaasiyadeed oo ku dhisan ilaalinta madax banaanida iyo Qaranimada Soomaaliya.

Taasoo ku qotonta siyaasadda iyo hal-kudhiga Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo ah “Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah”, isla markaana ay Dawladda Soomaaliya si mug weyn u bogaadinayso dawladaha u diyaarsan inay taageero buuxda siiyaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ambassador Calas ayaa sidoo kale tilmaamay in kulankan uu yahay mid gogol xaar iyo bar-bilow fiican u noqonaya xiriir Diplomaasiyadeed oo ay yeeshaan Dawladaha Soomaaliya iyo Chile, isagoo wada hadal dheer kadib ka guddoomay galka rasmiga ah ee ay ku jiraan dhamaan warqadaha codsiga ee ay Dawladda Chile usoo gudbisay Dawladda Soomaaliya, wuxuuna si rasmi ah ugu caddeeyey in Safaaradda JFS ee Ethiopia oo wakiil ka ah Dawladda Soomaaliya ay galkan si rasmi ah ula wadaagi doonto hay’adaha Dawladda Soomaaliya ee ay arrintani sida tooska u khusayso oo ay ugu horrayso Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Waa markii u horraysay ee Dawladda Chile oo dhacda Koonfurta America una tartamaysa hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay ay Soomaaliya si iskeed ah usoo raadiso, isla markaana ay usoo gudbiso codsi rasmi ah oo ku salaysan inay taageero ka hesho Soomaaliya, si ay Chile ugu guulaysato hogaaminta Golahaas, sidoo kale tallaabadan waxay noqotay bilowga xiriir Diplomaasiyadeed oo cusub kaasi oo dhex mara Soomaaliya iyo Chile.



 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ka Qeyb-galay Shir madaxeedka IGAD Oo Ka Furmay Kenya

Next Post

Dalal IGAD oo Maalintii labaad Shir ugu socdo Kenya

Next Post
Dalal IGAD oo Maalintii labaad Shir ugu socdo Kenya

Dalal IGAD oo Maalintii labaad Shir ugu socdo Kenya

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In