Japan ayaa qorsheynaysa in ay dib u bilowdo dhaqaalihii ay siin jirtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka qaxootiga Falastiin ka dib markii Israel ay baahisay in shaqaale kamid ah kuwa gurmadka hey’addaasi ay ka qeybqaateen weeraradii Xamaas ee 7-dii October.
Hadaladaan ayaa ka dambeeyay kulan Magaalada Tokiyo ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Japan Yoko Kamikawa iyo madaxa UNRWA Philippe Lazzarini ,kuwaas oo kahadlay siyaabaha kor ugu qaadi karo hufnaanta iyo hubinta raadinta lacagaha tabarucaadda ah iyo sidoo kale helidda shaqaale dhexdhexaad ah.
“Japan iyo UNRWA waxay xaqiijiyeen dadaallada lagama maarmaanka u ah dib u soo celinta tabarucaadkii Japan,” wasaaradda arrimaha dibadda ee Japan ayaa bayaan ku sheegtay.
In ka badan toban wadan ayaa hakiyay dhaqaalihii ay siin jireen UNRWA bishii Janaayo ka dib markii maamulka Israel ay ku eedeeyeen in 12 ka mid ah shaqaalaha hey’addaasi ay lug ku yeesheen weerarada Xamaas ee koonfurta Israel.
Israa’iil ayaa ku doodday in inka badan 450 shaqaale ah oo la howlgala UNRWA ay yihiin “shaqaale militari oo ka tirsan kooxaha argagixisada ee Gaza,balse Qaramada Midoobay oo baadhay arrintaasi ayaa sheegtay in Israa’iil aysan heyn ama keenin caddaymo muujinaya eedaymahaasi.