Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jeneraal Saneey “Deegaanka Warmaxan ciidanka XDS ayaa gacanta ku haya”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Xuska 55 guurada ciidanka Xoogga Dalka oo ka socoto Muqdisho iyo gobollada dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha guutada 12-ka April ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamuud Maxamed Saneey oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howgallo ciidanka xoogga dalka ay ka sameeyeen degeenka Warmaxan ee Goboolka Shabeelaha Hoose ay halkaasi kaga eryeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo xalay si dhuumaaleysi ah weeraro gaadmo ah ugu soo qaaday goob ay ku sugnaayeen ciidanka.

Taliyaha ayaa xusay in ciidamada xoogga dalka ay joogteyn doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga hortago falallka ay maleegayaan dhagar qabayaasha.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Jeneraal Maxamuud Maxamed Saneey Taliyaha guutada 12-ka April ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa beeniyay wararka sheegaya in Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanka Warmaxan, waxaana uu intaa ku daray in dadka buun buuninaya wararka been abuurka ah ee ka dhanka ah amniga laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

“Abaabaro 11:30 ee saaka ayay maleeshiyaadka Al-Shabaab weerar ku soo qaadeen fariisin ciidanka xoogga dalka ay ku sugnaayeen, nasiib wanaag ciidanka xoogga dalka waa ay iska difaaceen, hadana waxaa gacanta ku haya ciidanka xoogga, waana been wararka sheegaya in Warmaxan ay Shabaabku heystaan, xilligan aniga ayaa ku sugan” ayuu yiri Taliyaha 12-ka April oo hadalkiisa ku daray in dhankooda ay dagaalka uga dhinteen saddex askari, halka Shabaabka ay ka dileen tiro intaa ka badan, balse ay kula carareen gaadiid ay wateen.

Previous Post

Wasaarada Caafimaadka DF ee Soomaaliya oo dhismo cusub ku soo kordhisay isbitaalka Balanbal “SAWIRRO”

Next Post

Wiil da’yar oo farsamayaqaan ah oo loo sameeyay kulan dhiiri gelin ah “SAWIRRO”

Next Post
Wiil da’yar oo farsamayaqaan ah oo loo sameeyay kulan dhiiri gelin ah “SAWIRRO”

Wiil da'yar oo farsamayaqaan ah oo loo sameeyay kulan dhiiri gelin ah "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In