Thursday, December 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka Raadiyahaa

Jihadi John wuxuu rabay inuu ku biro Shabab balse naftiisa ayuu u baqay “War-bixin”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka Raadiyahaa
0
Jihadi John wuxuu rabay inuu ku biro Shabab balse naftiisa ayuu u baqay “War-bixin”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxamed Emwazi oo loo yaqan Jihadi John, ahna ninka British-ka ah ee kooxda falaagada ah ee ISIS u qaabilsan gawracista dadka ay kooxdaas qabsato ayaa doonayey in uu ku biro Shabaab ka hor inta uusan xubin ka noqon Daacish, balse qorshahaasi ka laabtay kaddib markii qaar saaxaabadiis ay Shabaabku dileen.

Emwazi ayaa ka laabtay go’aankiisa kamid noqoshada Shabaab oo qaybo ka mida dalka Soomaaliya dagaal ka wadda kadib markii qaar saxibadiisa ka yimid London kuna biiray ururka, isla kooxda Shabaab dabin ay dhigtay lagu dilay, waxa uu Emwasi ku andaconaya in kooxda khilaaf soo kale dhexgalay khiyanadasna ay sameysay.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

April 12, 2025
Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

April 12, 2025

Jihadi John, isaga oo u baqaya noloshiisa ayuu qaatay go’aanka ah inuusan ku biirin Shabaab sida ay wareynayso  wargeyska the Independent oo Ingiriiska ka soo baxa

Hadalkan ayaa sheegay 29-sano jirka reer Syria, Ayman oo la soo shaqeeysay Daacish balse dafiray kamid ahaanshihiisa kooxdaas, wuxuse sheegaya in uu la kulmay Jihadi John markii uu gallay woqooyiga Syria.

Ayman ayaa u sheegay the Independent in Jahadi John uu isaga u sheegay in haddii uu aado Soomaliya isaga laftiisa la dilayo.

“Waxa ay ahayd layaab, waxa dhexda uga jirnay dagaal waxana uu doonayey in uu igala hadlo dagaal kale, Maxamed Emwazi ma daneynaynin Shabab, waxa uu ka xanaqsana waxa ka dhacay Africa, qaar saaxibadiis ayaa la dilay, qaarna xabsi baa loo diray wuxuna mooday in la khiyanay”.

2009, Emwazi waxa lagu eedeyey in uu isku dayey inuu ku biro Shabab kadib markii uu safar ku tagay Dares Salaam, caasimada dalka Tansaniya isaga oo ay koox asxaabtiisa ah wehliyaan, waa la xiray bishii August, 2009-kii waxana dib looga celiyey Yurub.

Dabcan dawlada Ingiriiska way ka xuman lahayd uma aysan ogalan inuu aado Somaliya, xaqiiqdii sida saxiibadiisa oo kale ayuu u dhiman lahaa hadda sidaas waxa leh Ayman.

2012, Emwazi  wuxuu aaday Siriya isagoo ka soo tagay UK halkaas oo ugadameyn ku biiray ISIS.

Labada saaxiib waa Bilal Al-berjawi iyo Maxamed Sakr oo saaxibada Jihadi John ahaa, waa la istaajiyey waana laga soo musafuriyey Kenya iyagoo markas la qabanaya ay ku soo jeedeen Somaliya, balse waxa ay ku guuleysteen in ay soo gaaraan Soomaaliya isku daygoodii labaad. Labadana waxaa mar dambe lagu dilay duqeyn diyaaradaha aan cidina wadin ee Mareykanka.

Sida uu Ayman sheegayo, Emwazi waxa aan shaki uga jirin in saaxibadiisa la khiyaanay taasoo in ay dhintaan keentay, wuxuu aaminsan yahay in saaxibadiis halka ay joogeen loo Sheegay Mareykanka ayna Shabaab xubno kamida u sheegeen maadaama kooxda uu ka dhex jiray loolan awoodeed oo gudaha ah.

Emwazi ayaa lagu soo waramayaa in uu aamin san yahay in kooxda Shabaab ay ku dhex jiraan sir-doon reer galbeed ah taaso keenta shirqool dil ah oo loo gaysta ajaanibta kooxdaasi ku biireysa.

Arragtidiisu waxa ay ahayd in haddii hay’addaha sirdoonka aysan ka hor tagin dadka aadaya Soomaaliya, waxa ay taasi bedelkeeda ku dilayaan marka ay Soomaaliya tegaan, wuxuu shaki buuxda ka qabay kuwa wax basaasa, ku tala galkiisa waxa uu ahaa in uu Shabab ku biiro balse ma yeelin oo aad buu uga carrooday waxa ay sameyeen”.

The Independent ayaa qortay waxaana turjumay

 Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Olole Nadaafadeed oo laga sameeyay aga gaarka xarunta golaha shacabka

Next Post
Olole Nadaafadeed oo ka bilowday qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho

Olole Nadaafadeed oo laga sameeyay aga gaarka xarunta golaha shacabka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka digay xaalad adag oo ka jirta guud ahaan dhulka...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025
0

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa shaaciyay in ay soo...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

December 24, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa kormeer shaqo ku gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool, gaar...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

December 24, 2025
0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In