Sunday, May 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka Raadiyahaa

Jihadi John wuxuu rabay inuu ku biro Shabab balse naftiisa ayuu u baqay “War-bixin”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka Raadiyahaa
0
Jihadi John wuxuu rabay inuu ku biro Shabab balse naftiisa ayuu u baqay “War-bixin”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxamed Emwazi oo loo yaqan Jihadi John, ahna ninka British-ka ah ee kooxda falaagada ah ee ISIS u qaabilsan gawracista dadka ay kooxdaas qabsato ayaa doonayey in uu ku biro Shabaab ka hor inta uusan xubin ka noqon Daacish, balse qorshahaasi ka laabtay kaddib markii qaar saaxaabadiis ay Shabaabku dileen.

Emwazi ayaa ka laabtay go’aankiisa kamid noqoshada Shabaab oo qaybo ka mida dalka Soomaaliya dagaal ka wadda kadib markii qaar saxibadiisa ka yimid London kuna biiray ururka, isla kooxda Shabaab dabin ay dhigtay lagu dilay, waxa uu Emwasi ku andaconaya in kooxda khilaaf soo kale dhexgalay khiyanadasna ay sameysay.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

April 12, 2025
Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

April 12, 2025

Jihadi John, isaga oo u baqaya noloshiisa ayuu qaatay go’aanka ah inuusan ku biirin Shabaab sida ay wareynayso  wargeyska the Independent oo Ingiriiska ka soo baxa

Hadalkan ayaa sheegay 29-sano jirka reer Syria, Ayman oo la soo shaqeeysay Daacish balse dafiray kamid ahaanshihiisa kooxdaas, wuxuse sheegaya in uu la kulmay Jihadi John markii uu gallay woqooyiga Syria.

Ayman ayaa u sheegay the Independent in Jahadi John uu isaga u sheegay in haddii uu aado Soomaliya isaga laftiisa la dilayo.

“Waxa ay ahayd layaab, waxa dhexda uga jirnay dagaal waxana uu doonayey in uu igala hadlo dagaal kale, Maxamed Emwazi ma daneynaynin Shabab, waxa uu ka xanaqsana waxa ka dhacay Africa, qaar saaxibadiis ayaa la dilay, qaarna xabsi baa loo diray wuxuna mooday in la khiyanay”.

2009, Emwazi waxa lagu eedeyey in uu isku dayey inuu ku biro Shabab kadib markii uu safar ku tagay Dares Salaam, caasimada dalka Tansaniya isaga oo ay koox asxaabtiisa ah wehliyaan, waa la xiray bishii August, 2009-kii waxana dib looga celiyey Yurub.

Dabcan dawlada Ingiriiska way ka xuman lahayd uma aysan ogalan inuu aado Somaliya, xaqiiqdii sida saxiibadiisa oo kale ayuu u dhiman lahaa hadda sidaas waxa leh Ayman.

2012, Emwazi  wuxuu aaday Siriya isagoo ka soo tagay UK halkaas oo ugadameyn ku biiray ISIS.

Labada saaxiib waa Bilal Al-berjawi iyo Maxamed Sakr oo saaxibada Jihadi John ahaa, waa la istaajiyey waana laga soo musafuriyey Kenya iyagoo markas la qabanaya ay ku soo jeedeen Somaliya, balse waxa ay ku guuleysteen in ay soo gaaraan Soomaaliya isku daygoodii labaad. Labadana waxaa mar dambe lagu dilay duqeyn diyaaradaha aan cidina wadin ee Mareykanka.

Sida uu Ayman sheegayo, Emwazi waxa aan shaki uga jirin in saaxibadiisa la khiyaanay taasoo in ay dhintaan keentay, wuxuu aaminsan yahay in saaxibadiis halka ay joogeen loo Sheegay Mareykanka ayna Shabaab xubno kamida u sheegeen maadaama kooxda uu ka dhex jiray loolan awoodeed oo gudaha ah.

Emwazi ayaa lagu soo waramayaa in uu aamin san yahay in kooxda Shabaab ay ku dhex jiraan sir-doon reer galbeed ah taaso keenta shirqool dil ah oo loo gaysta ajaanibta kooxdaasi ku biireysa.

Arragtidiisu waxa ay ahayd in haddii hay’addaha sirdoonka aysan ka hor tagin dadka aadaya Soomaaliya, waxa ay taasi bedelkeeda ku dilayaan marka ay Soomaaliya tegaan, wuxuu shaki buuxda ka qabay kuwa wax basaasa, ku tala galkiisa waxa uu ahaa in uu Shabab ku biiro balse ma yeelin oo aad buu uga carrooday waxa ay sameyeen”.

The Independent ayaa qortay waxaana turjumay

 Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Olole Nadaafadeed oo laga sameeyay aga gaarka xarunta golaha shacabka

Next Post
Olole Nadaafadeed oo ka bilowday qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho

Olole Nadaafadeed oo laga sameeyay aga gaarka xarunta golaha shacabka

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiiska Qaramada Midoobay ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS) iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay martiqaadka Dowladda...

Maamulka Gobolka Banaadir oo amar dul dhigay shacabka ku dhaqan caasimadda

Maamulka Gobolka Banaadir oo amar dul dhigay shacabka ku dhaqan caasimadda

May 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Waaxda Nadaafadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Suudi,ayaa ugu baaqay shacabka ku nool caasimadda inay ka taxaddaraan qashinka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Golaha Mustaqbalka ku casuumay kulan wadatashi ah

May 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ka duulaya kulamadii iyo wada-tashiyadii gaarka ahaa ee uu muddooyinkii...

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

May 2, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda, Xildhibaan Aamina Xuseen Cali ayaa maanta magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In