Sunday, May 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ka hortaggu waxa uu ka wanaagsan yahay xallinta dhibaatada (Warbixin)

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Ka hortaggu waxa uu ka wanaagsan yahay xallinta dhibaatada (Warbixin)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dal dhisan iyo dad isjecel waxaa la helaa marka  qof,qoys ama bulsho ay u istaagaan dhowrista deegaanka iyo ka hortagga wax kasta oo caqabad ku ah habsami u socodka horumarka dalka,gaar ahaan goobaha laga fuliyo adegyada bulshada sida waddooyinka,suuqyada iyo wixii kale oo la mid ah.

Nadaafadu waa aasaaska nolosha ,waana iimaanka barkii,taasoo macnaheedu yahay in dadku ay ku xisaabtamaan in mar kasta oo qashin uu deris kula yahay uu kuu dhow yahay cudurku,sidaa aawadeedna ay lagama maarmaan tahay in lagu baraarugo in Ka hortaggu uu ka haboon yahay daaweynta dhibaatooyinka.

Related posts

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 3, 2026
Maamulka Gobolka Banaadir oo amar dul dhigay shacabka ku dhaqan caasimadda

Maamulka Gobolka Banaadir oo amar dul dhigay shacabka ku dhaqan caasimadda

May 3, 2026

Waxaa xaqiiqo ah in muddooyinkaan magaalada Muqdisho ay ka socdaan dadaallo lagu bixinaayo barnamijka isxilqaan ee dhiso dalkaada iyo olole nadaafadeed,oo lagu qaadayo haraaga qashinka ay ka tageen biyaha robabka ee ku soo rogmaday qeybo ka mid ah waddooyinka iyo xaafadaha gobolka Banaadir.

Qeybaha bulshada oo gacan ka helaya maamulka dowladda hoose ee Xamar,ayaa ku howlan ololahaasi nadaafadeed oo si habsami leh uga socda degmooyinka gobolka,kaas oo lagu soo celiyay inta badan bilicda magaalada Muqdisho,ka dib markii si iskaa wax u qabso ah loogu howlgalay nadiifinta waddooyinka Muqdisho.

Dhinaca kale shaqaalaha dowladda ayaa ku guuleystay in ay qeyb ka noqdaan ololahaasi nadaafadeed,gaar ahaan barnaamij la magac baxay isxilqaaan oo soo abaabuleen madaxda dowladda Federaalka ah,isla markaana lagu nadiifinaayo ama lagu dhisaayo xarumaha dowladda.

Iyadoo ay socdaan olole nadaafaded ayaa haddana waxaa jira dad badan oo caadeystay in waddooyinka iyo xaafadaha Muqdisho ay ku daadiyaan qashin aad u farabadan oo ka haray waxyaabaha daruuriyaadka ah ee lagu  isticmaalo guryaha sida raashinka,welina waxaxaa muuqda wadooyin dhowr ah iyo degmooyin  ay buuxaan biyo wasaqeysan iyo qashin aad u badan.

Si looga fogaado nadaafad darida ay sababaan cudurada faafa,sida Mallaariyada,Tifoowga,Shubanka iyo dullinka dad ku noolka ah,Waxaa lagama marmaan ah in maamulka degmo kasta ay xil iska saarto wax ka qabashada qashinka iyo biyaha wasaqda ah ee lagu qubo waddooyinka xaafadaha.

Waxaa qasab ah in la kordhiyo goobo loogu talagalay in la dhigo qashinka iyo gaadiidka qaada haraaga wasaqda,sidaa daraadeed dowladda Federaalka iyo kan gobolka,waxaa waajib ku ah in ololaha nadaafadeed oo loo arkay mid wax tar leh lagu baahiyo goobaha muhiimka ah ee laga fuliyo adeegyada umadda,sida suuqyada.

Maaamulka wanaagsan waa in uu xil la iska saaro sidii mudnaanta loo siin lahaa fayo qabka deegaaanka iyo dadka ,iyadoo mar kasta xoogga la saarayo in loo diyaargaroobo xilliyada suurtagalka ah ee la helo roobabka

Waa in la sameeyo wacyigelin joogto ah oo dadka loogu sheegayo qarashka faraha badan ee ku baxa dayactirka ama sameynta wadooyinka ay burburiyeen biyaha wasaqda ah iyo halista nadaafad daridu ay u keento bulshada,iyadoo dhanka kale ganaax la saarayo ciddii isku dayda in ay qashin iyo biyo wasaq ah ku dadiso waddooyinka laamiga ah.

Ka hortaggu waxa uu ka wanaagsan yahay raadinta xalka dhibaatada,sidaa aawadeed maamulka dowladda Federaalka iyo kan gobolka Banaadir ,waxaa looga fadhiyaa in ay dib u eegis ku sameeyaan howlaha ku talaal ee horyaalla,gaar ahaan ka hortagga nadafad xumida ay sababaan cudurada qatarta ah ee ka dhasha biyaha wasaqda ah ee lagu daadiyo wadada iyo burburka ku soo noq-noqda jidadka laamiga ah ee illa hadda la dayactiray.

Waxaa diyaariyay Shire Xasan Kulmiye

 

Previous Post

Dadka Soomaaliyeed ee Dalka Uganda ku nool oo ka cabanaya tuugo boob iyo jirdil ku heysa

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo ka shaqeyneysa sidii qofkasta u heli lahaa daryeelka Caafimaad ee Aas-aasigga ah “Sawirro”

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo ka shaqeyneysa sidii qofkasta u heli lahaa daryeelka Caafimaad ee Aas-aasigga ah “Sawirro”

Dowladda Soomaaliya oo ka shaqeyneysa sidii qofkasta u heli lahaa daryeelka Caafimaad ee Aas-aasigga ah "Sawirro"

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiiska Qaramada Midoobay ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS) iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay martiqaadka Dowladda...

Maamulka Gobolka Banaadir oo amar dul dhigay shacabka ku dhaqan caasimadda

Maamulka Gobolka Banaadir oo amar dul dhigay shacabka ku dhaqan caasimadda

May 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Waaxda Nadaafadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Suudi,ayaa ugu baaqay shacabka ku nool caasimadda inay ka taxaddaraan qashinka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Golaha Mustaqbalka ku casuumay kulan wadatashi ah

May 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ka duulaya kulamadii iyo wada-tashiyadii gaarka ahaa ee uu muddooyinkii...

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

May 2, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda, Xildhibaan Aamina Xuseen Cali ayaa maanta magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In