Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ka qeyb galayaasha shirkii safarka iyo dalxiiska oo kulan dhiiri gelin ah loo sameeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ka qeyb galayaasha shirkii safarka iyo dalxiiska oo kulan dhiiri gelin ah loo sameeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan lagu dhiiri galinayay ka qeyb galayaasha shirkii safarka iyo dalxiiska dalka ee shalay la soo gabagabeeyay ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid casho sharaf ah, isla markaana Xildhibaan Maxamed Nuur oo ah milkiilaha Hotelka Elite uu ku casuumay Madaxda Wasaaradda Warfaafinta iyo ka qeyb galayaasha shirkii Safarka iyo dalxiiska, waxaana madasha si wada jir ah loo tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay goobo badan oo dalxiika ku wacan, loona baahanyahay in laga wada shaqeeyo xoojinta Nabadgelyada.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in Soomaaliya ka soo ka batay bur bur, isla markaana ay leedahay dhinac fiican oo ay ka muuqato rajo ifaya, isagoo bulshada ku booriyay inay maalgashi ku sameeystaan dalkooda.

Wasiir Maareeye ayaa hoosta ka xariiqay inay jiraan fursado ay ka faa’iideysan karaan dadka maalgashanaya gudaha dalka, dowladduna ay ka shaqeyneyso xaqiijinta amniga, si meesha looga saaro in aan loo dalxiisi tegi karin Soomaaliya.

Todobaadkii hore Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa meel mariyay siyaasadda Qaran ee dalxiiska dalka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska taasi oo abuureysa in ganacsatado badan ay gudaha dalka ka hirgeliyaan dhismayaal iyo meelo kale oo qurux badan oo dalxiiska ku wanaagsan.

Previous Post

Wasiirka Amniga Gudaha oo 5 Neef geel ah ka Guddoomay bulshada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha cusub ee Degmada C/casiis oo si rasmi ah xilka ula wareegay “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha cusub ee Degmada C/casiis oo si rasmi ah xilka ula wareegay “SAWIRRO”

Guddoomiyaha cusub ee Degmada C/casiis oo si rasmi ah xilka ula wareegay “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In