Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kaalmo lacageed oo ka timid Jaaliyadda Sweden oo la gaarsiiyay maamulka Degmada Balcad “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Kaalmo lacageed oo ka timid Jaaliyadda Sweden oo la gaarsiiyay maamulka Degmada Balcad “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan deeqda lacagta ah lagu guddoonsiinayay Wakiilo Maamulka degmada Balcad u qaabilsan dhanka abaaraha, isla markaana ay soo dhiibeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Sweden, loona soo wakiishay dhallinyaro waxbartay oo ku nool Muqdisho ayaa waxa ka qeyb galay maamulka Degmada Balcad, qeybaha bulshada iyo xubno kale.

Maxamuud Maxamed Cabdulle Deeqow oo ka wakiil ahaa kaalmada lacageed ee loogu talagalay dadka ay abaartu ku saameysay degmada Balcad iyo tuulooyin hoostaga ayaa sheegay inay ka koobantahay toban milyan oo shillin Soomaali ah, isla markaana ay u soo wakiilatay Nasro Maxamed Cali oo ah Guddoomiyaha Jaaliyadda Xamar iyo Xamardaye ee wadanka Sweden.

Related posts

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026

“Lacagtan waa toban milyan oo shlin Soomaali ah, waxaana loogu talagalay in loogu gurmado dadka ay saameysay abaaraha ka jirta degmada iyo tuulooyin hoos yimaada, si biyo dhaamin iyo adeegyo kale loogu qabto, waxaana rajeynaa in tani aysan noqon doonin tii ugu horeysay, uguna dambeysay” ayuu yiri Deeqow.

Ugaas Maxamed-weli Ugaas Xuseen oo ka mid ah guddiga degmada balcad u qaabilsan dhanka abaaraha ayaa uga Mahadceliyay dhallinyaradii isa soo xilqaantay ee kaalmada lacagta ah soo gaarsiisay, isagoo bulshada intee kale ka codsaday inay u gurmadaan walaalahood ee ay saameynta ku yeelatay abaarta.

“Waxaan u mahadcelineyna dhamaan dhallinyarada aqoonyahanka ah ee lacagtan loo soo wakiishalay iyo Nasro Maxamed Cali oo garatay inay dhibta la qeybsato walaalaheed dhibaateysan, runtii waxaa jirta dad badan oo Alle wax siiyay, waxaana ka codsaneynaa inay ka qeyb qaataan u gurmashada walaalood dhibaateysan” ayuu yiri Ugaas Maxamed-weli.

Guddoomiyaha Degmada Balcad Maxamuud Maxamed Maxamuud Saneey oo soo xiray kulanka ayaa uga mahadceliyay intii gacan ka geysatay in bulshada degmada la soo gaarsiiyo kaalmo lacageed oo uu ku sheegay inay tahay tii ugu horeysay ee nuucaani oo kale ah ee la soo gaarsiiyo degmada, waxaana uu intaa ku daray in guddiga ka kooban 17 ay gaarsiin doonaan dadka mudan in la gaarsiiyo.

“Cidkasta oo gurmad na soo gaarsiisa, waan soo dhaweyneynaa, runtii abaarta ka jirta dalka ayay qeyb ka tahay tan haatan ka taagan Balcad iyo tuulooyinka hoos yimaada, waxaa intaas u sii dheer bulshada inaysan heysan biyo, maadaama ay biyo gureen Webiga Shabeelle, waxaan Alle uga baryaynaa in Ummaddiisa uu ka dulqaado saameynta ay abaaruhu ku reebeen” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Balcad.

 

 

1 2 3  6  8

ff hh kk

Previous Post

Dhageyso barnaamijka kulanka todobaadka

Next Post

Hey’adda Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo ka soo horjeesatay go’aankii Madaxweyne Trump

Next Post
Hey’adda Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo ka soo horjeesatay go’aankii Madaxweyne Trump

Hey’adda Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo ka soo horjeesatay go'aankii Madaxweyne Trump

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In