Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kaalmo lacageed oo ka timid Jaaliyadda Sweden oo la gaarsiiyay maamulka Degmada Balcad “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Kaalmo lacageed oo ka timid Jaaliyadda Sweden oo la gaarsiiyay maamulka Degmada Balcad “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan deeqda lacagta ah lagu guddoonsiinayay Wakiilo Maamulka degmada Balcad u qaabilsan dhanka abaaraha, isla markaana ay soo dhiibeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Sweden, loona soo wakiishay dhallinyaro waxbartay oo ku nool Muqdisho ayaa waxa ka qeyb galay maamulka Degmada Balcad, qeybaha bulshada iyo xubno kale.

Maxamuud Maxamed Cabdulle Deeqow oo ka wakiil ahaa kaalmada lacageed ee loogu talagalay dadka ay abaartu ku saameysay degmada Balcad iyo tuulooyin hoostaga ayaa sheegay inay ka koobantahay toban milyan oo shillin Soomaali ah, isla markaana ay u soo wakiilatay Nasro Maxamed Cali oo ah Guddoomiyaha Jaaliyadda Xamar iyo Xamardaye ee wadanka Sweden.

Related posts

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026

“Lacagtan waa toban milyan oo shlin Soomaali ah, waxaana loogu talagalay in loogu gurmado dadka ay saameysay abaaraha ka jirta degmada iyo tuulooyin hoos yimaada, si biyo dhaamin iyo adeegyo kale loogu qabto, waxaana rajeynaa in tani aysan noqon doonin tii ugu horeysay, uguna dambeysay” ayuu yiri Deeqow.

Ugaas Maxamed-weli Ugaas Xuseen oo ka mid ah guddiga degmada balcad u qaabilsan dhanka abaaraha ayaa uga Mahadceliyay dhallinyaradii isa soo xilqaantay ee kaalmada lacagta ah soo gaarsiisay, isagoo bulshada intee kale ka codsaday inay u gurmadaan walaalahood ee ay saameynta ku yeelatay abaarta.

“Waxaan u mahadcelineyna dhamaan dhallinyarada aqoonyahanka ah ee lacagtan loo soo wakiishalay iyo Nasro Maxamed Cali oo garatay inay dhibta la qeybsato walaalaheed dhibaateysan, runtii waxaa jirta dad badan oo Alle wax siiyay, waxaana ka codsaneynaa inay ka qeyb qaataan u gurmashada walaalood dhibaateysan” ayuu yiri Ugaas Maxamed-weli.

Guddoomiyaha Degmada Balcad Maxamuud Maxamed Maxamuud Saneey oo soo xiray kulanka ayaa uga mahadceliyay intii gacan ka geysatay in bulshada degmada la soo gaarsiiyo kaalmo lacageed oo uu ku sheegay inay tahay tii ugu horeysay ee nuucaani oo kale ah ee la soo gaarsiiyo degmada, waxaana uu intaa ku daray in guddiga ka kooban 17 ay gaarsiin doonaan dadka mudan in la gaarsiiyo.

“Cidkasta oo gurmad na soo gaarsiisa, waan soo dhaweyneynaa, runtii abaarta ka jirta dalka ayay qeyb ka tahay tan haatan ka taagan Balcad iyo tuulooyinka hoos yimaada, waxaa intaas u sii dheer bulshada inaysan heysan biyo, maadaama ay biyo gureen Webiga Shabeelle, waxaan Alle uga baryaynaa in Ummaddiisa uu ka dulqaado saameynta ay abaaruhu ku reebeen” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Balcad.

 

 

1 2 3  6  8

ff hh kk

Previous Post

Dhageyso barnaamijka kulanka todobaadka

Next Post

Hey’adda Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo ka soo horjeesatay go’aankii Madaxweyne Trump

Next Post
Hey’adda Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo ka soo horjeesatay go’aankii Madaxweyne Trump

Hey’adda Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo ka soo horjeesatay go'aankii Madaxweyne Trump

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caddaaladda oo war ka soo saartay hannaanka dib u eegista Dastuurka

January 27, 2026
0

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In