Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kalfadhiga 40aad ee golaha Wakiilada Puntland oo ka furmay Garoowe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Kalfadhiga 40aad ee golaha Wakiilada Puntland oo ka furmay Garoowe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 25 October 2017 waxa uu furay Kalfadhiga 40-aad ee Golaha Wakillada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa furitaanka kalfadhiga  40-aad ee Golaha Wakiilada Puntland kala qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Mudane. Maxamed Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Cabdi Xaashi Cabullaahi, Ku-xigeenka Guddoomiyaha Aqalka Sare ee DFS, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi iyo Ku-xigeenadiisa, Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dawlad goboleedka Puntland,  xubno ka socdey beesha caalamka, maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe, Isimo, nabadoono waxgarad, siyaasiyiin iyo martisharaf kale.

Related posts

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland oo ka adlay furitaanka kalfadhiga 40-aad ee Golaha Wakiillada dawlad goboleedak Puntland ayaa waxa uu ka hadlay waxqabadka Puntland  u qabsoomay muddadii u dhexaysey labada kalfadhi ee sanadkan 2017.

Mudane Cabdiweli ayaa ugu horeyn ka hadlay waxqabadka xukuumadiisa ay ka gaartey arrimaha ammaanka waxaana uu yiri “Mudanayaal, sida aan wada ogsoonahay guud ahaan xaaladda Amni ee Puntland ee bilaha Luulyo, Agoosto iyo Sibteembar 2017-ku waa wanaagsanayd, waana deganayd; Hase yeeshee maadaama ay Punland ka mid tahay dalweynaha Soomaaliya, waxaa marar badan ka dhacay falal fulaynimo iyo gaadmo ah oo ay geysteen kooxaha argagixisada ah (Al-shabaab iyo Daacish) iyo huwantooda, waxaana ka mid ah qaraxyadii la-qabtay, Dagaalkii Af-urur iyo mirtii Kontroroolka Boosaaso”

“Mudanyaal, Waxay Dawladdu amartay in hay’adaha amnigu adkeeyaan ilaalinta xeebaha Puntland, taasoo suuro galisey in 23/09/2017 la qabto dooni siddey hub, waxayna Dawlad Goboleedka Puntland fartay laamaha amniga hubinta iyo baaridda gaadiidka soo galaya xuduudaha Maamulka” ayuu yiri Madaxweyaha Puntland.

“Waxay Dawladdu keentay Shaybaar lagu baarayo dhiiga iyo unugyadiisa (DNA) laguna rakibay caasimadda Puntland ee Garowe, wuxuuna Ciidammada CID-da ka caawin doonaa danbi-baarista iyo sugidda xogta danbiilayaasha” ayuu Mudane Cabdiweli hadalkiisa ku daray..

“Waxaa lagu  guuleystay Mashruuca RCRF-II ee uu naga caawiyay Bangiga Aduunku  in uu bixiyo sanadkaan laga bilaabo January 2017 ila iyo September lacag dhan $ 671,912.50 oo lagu bixinyay mushaarka  75 shaqaale Dawladeed oo laga shaqaaleysiiyay  Ha’adaha Dawlada” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabullaahi iyo dhammaan mas’uuliyiinta kale ee ka hadashay furitaanka kalfadhiga ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedhay nidaamka dawliga ah oo hagaaga, iyagoona xusay in Puntland tahay hormuud ka maanta Soomaaliya lagaga dayan karo wax kasta oo horumara.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa dhankiisa ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 40-aad ee Golaha Wakiillada dawladda Puntland waxaana uu Guddomiyuhu xooga ku saaray khudbddiisa arrimo la xidhiida dastuurka Soomaaliya iyo wax qabadkii Golaha Fulinta Puntland u qabsoomay muddadii u dhexeysey labada kalfadhi.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 40-aad ee Golaha Wakiillada dawladda Puntland.

 

=DHAMMAAD=

Previous Post

Soomaaliya iyo Morocco oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya “SAWIRRO”

Next Post

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka DFS oo kulan qado ah loogu sameeyay Garoowe “SAWIRRO”

Next Post
Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka DFS oo kulan qado ah loogu sameeyay Garoowe “SAWIRRO”

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka DFS oo kulan qado ah loogu sameeyay Garoowe "SAWIRRO"

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In