Monday, March 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kalfadhiga 4aad ee Golaha Aqalka Sare oo si rasmi ah u furmay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Kalfadhiga 4aad ee Golaha Aqalka Sare oo si rasmi ah u furmay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadda furitaanka kalafadhiga afaraad ee Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ku-xigeenkiisa koowaad Senator Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka,Safiirada dalalka Qadar iyo Turkiga u fadhiya Soomaaliya,xubno ka socday Golaha abwaaniinta Soomaaliyeed,Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka,xubno ka socday Maamul Gobolleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka,Wakiil ka socday Qaramada Midoobay iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda.

 

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026

Ugu horeyn ayaa munaasabadda furitaanka kalafadhiga afaraad ee Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ka hadlay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxameed Guuleed Khadar oo wakiil ka ahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo howlo Qaran oo muhiim ah u jooga magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha hoose,wuxuuna marka hore xubnaha Aqalka sare ugu hambalyeeyay furitaanka kalafadhiga afaraad oo uu sheegay iney howlo muhiim ah ay horyaalaan.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Golaha Aqalka sare howlo muhiim ah u hayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed,islamarkaana kaalin muhiim ah ka qaateen arrimaha horumarka dhaqaalaha,dib u heshiisiinta iyo waliba dib u eegista dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Golaha Abwaanada Soomaaliyeed oo madasha ka hadlay ayaa ku ammaanay howlaha ay Golaha Aqalka sare u hayaan Bulshada,iyagoona sheegay iney dowr muuqda ay ka ciyaareen wada xaajoodka Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobolleedyada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo gaba-gabada munaasabadda furitaanka kalafadhiga afaraad ee Golaha Aqalka sare ka hadlay ayaa hadalkiisa ku soo koobay saddex qodob oo muhiim ah:

1-Federaaleynta dalka:- wuxuu sheegay in nidaamka Federaalka uu yahay nooc ku cusub dalka loona baahan yahay in laga baaraan dego nooca la qaadanayo iyo sida ugu habboon ee loo hirgelin karo, iyada oo aan la dhaawicin jiritaankeenna Qarannimo.

Sidoo kale,Guddoomiye Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa sheegay in hadda la joogo meel laga ambaqaadi karo,islamarkaana ay muhiim tahay in si dhab ah loo dhaqan geliyo dastuurka KMG ah, iyadoo la tixgelinayo Hay’ad kasta oo ka tirsan Hay’adaha dastuuriga ah ee loo igmaday.

 

2-Kaalinta Aqalka sare ee Hirgelinta Nidaamka Federaalka:-

“Dalkani wuxuu dhawaan bilaabay tijaabo cusub oo aan horay loogaga dhaqmi jirin, taas oo ah nidaamka federaalka. Waxaan ku qasban nahay in aan siyaasad cad ka yeelanno hirgalinta nidaamka federaalka iyo wada shaqeynta Hey’adaha Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada,”

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ayaa hadalkiisa intaasi raaciyay “Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa loo igmaday metelaadda Dowlo Goboleedyada iyo ilaalinta Nidaamka Federaalka ee Dalku qaatay. Haddaba, si Aqalku si dhab ah uga war-haayo arrimaha Federaaleynta ee dalka ka socota, waxaa looga fadhiyaa Dowladda Dhexe iyo Dowlo Goboledyada in ay ku ixtiraamaan Aqalka Sare kaliintiisa Dastuuriga ah ee ku qeexan Qod. 61aad (1) (3) iyo 71aad ee Dastuurka KMG ah,”.

Hannaanka dig u eegista Dastuurka:-

Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa sheegay in dastuur Federaal oo loo dhan yahay aas-aas u tahay dib u dhiska dowladnimo ee Dalkeena Soomaaliya,wuxuuna sheegay in Dowladdaha qaatay nidaamka Federaalka ay ahmiyadda koowaad ay siiyeen kala qeexidda awoodaha dowladeed ee heerarka kala duwan, qaybsiga khayraadka iyo siddii loo wada shaqayn lahaa loona hirgelin lahaa nidaamka federaalka ee la qaatay.

Wuxuu sidoo kale,tilmaamay iney  lagama maarmmaan tahay in arrimahaas laga yeesho wada xaajood dhab ah; si loogu biiriyo dib u eegista Dastuurka ee haatan socda.

Ugu danbeyntii,Guddoomiyaha Golaha Aalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa sheegay inuu furan yahay Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Golaha Aqalka sare,isagoona hoosta ka xariiqay iney horyaalaan xubnaha Aqalka sare ajandayaal dhowr ah, sida sharciyo ay horay u soo meel mariyeen Golaha Wasiirada iyo howlo kale oo muhiim ah.

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA: Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhallinyaro ka mid noqonaya Ciidanka Xoogga Dalka

Next Post

Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan argagixisada oo maleegayay Qaraxyo

Next Post
Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan argagixisada oo maleegayay Qaraxyo

Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan argagixisada oo maleegayay Qaraxyo

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

March 9, 2026
0

Magalada Muqdisho ayaa martigelisay munaasabad lagu daahfurayay Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya, taas oo si wadajir ah u...

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

March 9, 2026
0

Dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha International Association of Ports and...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In