Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kay oo cambaareeyay weerarkii xalay, ammaana u jeediyay ciidamada amniga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Nicholas Kay oo cambaareeyay weerarkii Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergeyga gaarka ah Xoghayaha guud ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Kay ayaa cambaareeyay weerarkii kooxaha argagixisada ah ay ku qaadeen Hoteello ku yaalla Muqdisho, kaasi oo uu ku sheegay inay sheegteen mas’uuliyadda Weerarka kooxda Al-Shabaab, ciidamaduna ku guuleysteen inay qaarajiyaan dhamaan kooxihii weerarka soo qaaday.

“Waxaan cambaareynaya weerarkii argagixiso ee  Muqdisho ka dhacay xalay, waxaana ka xumahay weerarkaasi arxan darrada ah ee lagu gumaadayo dadka rayidka ah, weerarku waxa uu dhacay xilli lagu jiray salaadda Maqrib ee Afurka oo ay dadku afurayeen” ayuu yiri Mr Kay

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Danjire Kay ayaa hadalkiisa intaa ku daray “Waxaan ammaan u jeedinayaa ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo ku guuleystay inay ka hortagaan oo ay yareeyaan inay qasaare badan ka dhalato weeraradaasi argagixiso ee la doonayay in dad rayid ah lagu gumaado, Qaramada Midoobay waxa ay wadaysaa sidii ay si fir fircoon ah ugala shaqeyn lahayd, dowladda Soomaaliya si loo dhiso ciidamo xoogan oo xagga amniga ee Qaranku leeyahay iyo ilaalinta Hay’adaha dowladda”.

Ergeyga gaarka ah Xoghayaha guud ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Kay ayaa uga tacsiyadeeyay ehelada iyo asaabtii dadkii wax ku noqday weeraradii xalay ka dhacay Muqdisho, waxaana uu kuwa dhaawaca u rajeeyay in uu Alle caafimaad deg deg ah siiyo.

 

Previous Post

Barnaamijka Sahanka oo looga hadlay waxa diinta Islaamku ka qabto weerarada lala beegsanayo dadka Muslimiinta ah ee Sooman+Dhageyso

Next Post

Hay’ad samafal oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku nool Cadaado “SAWIRRO”

Next Post
Hay’ad samafal oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku nool Cadaado “SAWIRRO”

Hay’ad samafal oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku nool Cadaado “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In