Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Khadro Carab: Ninkayga kuma hayo raq iyo ruuxba, qaraxii Zoobe kaddib

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Khadro Carab: Ninkayga kuma hayo raq iyo ruuxba, qaraxii Zoobe kaddib
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Khadra Carab Cabdi, 27 sano jir haybineysa seygeeda oo uga war dambeysay labadii duhurnimo maalintii Sabtiga ee uu dhacay qaraxii ka dhacay isgoyska Zope ee magaalada Muqdisho halkaas oo ku dhawaad 300 ruux ay ku naf waysay halka in ka badan tiradaasna ay ku dhaawacantay.

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Khadra waxa aysan nolol iyo geeriba ku haynin C/rashiid Mukhtaar Sh. Sadiiq oo ah saygeeda, wuxuuna uga soo tagay gurigeeda oo ku yaala degmada Kaxda ee gobalka Benaadir abaaro 2:00 duhurnimo 14-kii bishan.

Khadra waxa ay hadda leedahay Uur 8-bilood ah, oo ay u leedahay ninka ay hadda baadi-goobkiisa ay ku jirta, waxaase xusid mudan in ay hasato 5 carruur ah, 4 gabdhood iyo 1(hal)-wiil oo ay u dhashay nin kale oo ay wada dhasheen ninkan dambe oo isna la dilay mudda hadda la jooga 4-sano.

“Wax war wacaal uma hayo ninkayga, C/rashiid Mukhtar, tan iyo ilaa sabtidii oo qarax ka dhacay Zope ayaan heybinayey, mana helin warkiisa, mawd iyo nolol, waxaan joognaa quus, waxaan codsanaynaa in nalagu gacan siiyo warkiisa, nala caawiyo, waa markii labaad ee aan asay qaadayo”, Khadra ayaa sidaas u sheegtay Wakaaladda SONNA.

Khadra waxa ay intaas ku dartay in C/rashiid uu gacanta ku hayey Waalidkiisa, hooyo iyo aabe oo cad ah iyo in nolosha uu gacan ku siin jiray qoyska gabar isaga la dhalatay oo nin maskax ahaan u fiyoobeen u dhexda.

“Ninkeyga waxaa dishay mid kamida 3-xaas(naagood) oo uu qabay weli tan uga da’da yareyd, iyadaas waxa ay u dhashay 2 carruur ah, ana waxan u dhalay 5 carruur ah halka tan kale aysan waxba u dhalin”, Khadra ayaa intaa raacisay.

Ninkeedan aysan warkiisa haynin balse ay aamin santahay in uu ku geeriyooday qaraxii maasheeyey boqolaalka ruux ee aan waxba galabsan, wuxuu ahaa baabuurey(darawal) ka shaqayta magaalada muqdisho halkii ninkeedii hore uu u shaqayn jiray dawladda sida gaar ah ‘Wasaaradda Arrimaha Gudaha’.

Maryan Mukhtar Sh. Saadiq waxa ay la dhalatay ninka maqan, sidoo kale waa gabar culus oo uur leh oo aan ilinta ceshan karin oo waxa ay gabtay in sawir buuxa ka bixiso walaalkeed oo u muuqday in ay ku waysay Qaraxa Zope.

C/siis Macalin Cisman Sheekh oo isna ay ilmo adeero yihiin wiilka maqan yiri, ” Ma u malaynayo in uu nool yahay walaalkey, waxa aan aamin sanahay in uu ku dhintay qaraxaas, mas’uuliyad badan buu hayey, dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed gurmad baan ka rabnaa”.

Isku soo wada duub, waxaa aad u adag in sawir laga bixiyo xanuunka ay leedahay in qofkaaga aad ku wayso nolol ama geeri, waa arrin ay dad badan oo bulshadeena ku indha qaaday qaraxii ka dhacay isgoyska Zope ee magaalada Muqdisho.

Alle ha u naxariisto inta ku geeriyootay xasuuqaas, inta dhaawaca ahna Alle ha caafiyo.

W/D: Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”

E-mail: [email protected]

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo “Ilaaheey waxa uu isku soo dhaweeyey quluubteenna, si aan u aragno cadowgeenna u lana-dagaallanno” SAWIRRO

Next Post

Guddoonka Golaha Shacabka, Wasiirro iyo Duqa Muqdisho oo soo dhaweeyey deeq ka timid Puntland “SAWIRRO”

Next Post
Guddoonka Golaha Shacabka, Wasiirro iyo Duqa Muqdisho oo soo dhaweeyey deeq ka timid Puntland “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Shacabka, Wasiirro iyo Duqa Muqdisho oo soo dhaweeyey deeq ka timid Puntland "SAWIRRO"

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In