Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kismaayo: Madaxweyne Farmaajo oo ku booriyay ciidamada Xoogga dalka inay xoojiyaan la dagaallanka argagixisada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Kismaayo: Madaxweyne Farmaajo oo ku booriyay ciidamada Xoogga dalka inay xoojiyaan la dagaallanka argagixisada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Talaado ah Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed iyo wafdi balaadhan oo uu Hogaaminayo.

Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhawayn kadib sheegay in Jubbaland ay muhiim u tahay booqashada maanta oo uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku yimid qayb dalkiisa kamid ah oo uu ka hanaqaaday uun hanaanka Federaalka ah balse aysan jirin cid ka madax banaan uu uu halkan ugu yimid.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Mudane Axmed Maxamed Islaam waxaa uu xusay in ay Jubbaland rajaynayso sidii loo hirgalin lahaa Xarumo iyo goobo ay ku shaqeeyaan Hay’adaha Dowlada Dhexe  gaar ahaan Madaxtooyada Ra”iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mahad celiyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Jubbaland, isagoo ku amaanay hawsha wanaagsan ee Jubbaland ay ka qabatay Magaalada Kismaayo oo hada Xarun KMG ah, isla markana ay ku shaqeeyaan Hay’adaha kala duwan ee Dowlad goboleedka Jubbaland, isagoo balan qaaday in Federaalku ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga hawlgali doonan sidii Xarumo ay Madaxda Dowlada dhexe ku shaqeeyaan Kismaayo looga furi lahaa.

Intaas kadib Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Madaxweynaha Jubbaland waxay booqdeen Xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ay ku xaraysan yihiin Ciidamada Federaalka isku dhafka ah, waxaana ay salaam ka qaateen cutubyo kala duwan oo katirsan SNA.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamadan ay dhamaysteen dhamaan tababarkii ay u baahnayeen hadana ay u xayiran yihiin hub la’aan taas oo dhaliisheeda ay leedahay Dowladda Federaalka ah, isagoo ugu danbayn sheegay in Dowladda Federaalka ah laga sugayo in Ciidamadan ay meel saarto tasiiladka ay u baahan yihiin si ay u hawlagalaan .

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Federaalka ah ay sida ugu dhaw u keeni doonto dhamaan agabka Ciidamadan ka maqan isla markana ay hawlgali doonan, isagoo ku booriyay inay xoojiyaan la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga la socday waxay booqdeen Xarunta tababarka Ciidamada Darawiishta Jubbaland halkaas oo Ciidamo tababar dhamaystay ay kula hadleen.

Booqashada Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qaadan doonta mudo kooban oo aan la shaacin, isagoo kulamo la qaadan doona Madaxda Dowlada Jubbaland iyo bulshada waxaana kadib uu ku laaban doona Magaalada Muqdisho.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha oo u kuur galey howlaha shaqo ee Dekedda Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Barnaamijka SAMAWADE ee ka baxa Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka SAMAWADE ee ka baxa Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In