Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Koob lagu xusayay sanadguurada Warbaahinta Qaranka oo loo dhigay Kooxaha Heegan iyo Gaadiidka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Ciyaaraha, Wararka, Xulashada
0
Koob lagu xusayay sanadguurada Warbaahinta Qaranka oo loo dhigay Kooxaha Heegan iyo Gaadiidka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cayaartan lagu maamuusayay sanad guurada Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed isla markaana ka mid aheyd horyaalka dalka ayaa waxa uu maanta garoonka kubada cagta ee Banaadir Stadium ku dhex martay kooxaha kubada cagta ah ee Heegan iyo Gaadiidka, iyadoo ay ku tartamayeen koob ay u dhigtay Warbaahinta Qaranka.

Madaxda Warbaahinta Qaranka, qaar ka mid ah taageerayaasha labada kooxood iyo dadweyne aad u fara badan ayaa buux dhaafiyay garoonka, iyadoo jawiga garoonkana uu aad uga duwanaa sidii hore.

Related posts

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

January 29, 2026

Cayaartoyda labada kooxood oo diyaar balaaran uu ka muuqday ayaa markii ay bilaabatay cayaarta, waxa ay labada koox soo bandhigeen cayaar aad u wanaagsan oo ay u riyaaqeen dhamaan dadkii u soo daawasho tegay kulankii maanta, waxaana cayaarta guud ahaan ku soo idlaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday kooxda kubadda cagta ee Heegan.

Kabtanka kooxda Heegan Cabdikariin Abuukar Nuur oo cayaarta markii ay soo gaba gaboowday kaddib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa guusha ay maanta gaareen ku tilmaameen inay tahay mid taariikhi ah, maadaama ay bar bar socotay koob lagu maamuusayay sanad guurada Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Gudoomiye ku-xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cali-shiine Cabdi Maxamed ayaa hambalyo u diray Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, isagoo howlwadeenada ku bogaadiyay inay sii labo jibaaraan howlaha ay bulshada u hayaan

Agaasimaha Radio Muqdisho C/raxiin Ciise Caddow ayaa u hambalyeeyay kooxda kubadda cagta ee Heegan, guusha ay maanta gaareen, isagoo xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta uga mahadceliyay qabsoomidda kulanka.

Agaasimaha Warbaahinta Qaranka Mudane C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa hoosta ka xariiqay in wada shaqeyn buuxdo ay kala dhexeyso Warbaahinta Qaranka iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, waxaana uu intaa ku daray inay xoojin doonaan ka shaqeynta Nabadda iyo isdhexgalka bulshada.

Cayaarta galabta dhex martay labada kooxood ee Heegan iyo Gaadiidka ayaa qeyb ka aheyd dabaal dega xuska sanad guurada Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo dhinaca kalena daawadayaasha cayaarta hamlayo u direen Warbaahinta Qaranka.

IMG_2204 IMG_2209 IMG_2214 IMG_2242 IMG_2274   IMG_2290  IMG_2295  IMG_2299 IMG_2309 IMG_2311 IMG_2321 IMG_2330 IMG_2333 IMG_2336 IMG_2342 IMG_2359 IMG_2379 IMG_2389 IMG_2396 IMG_2399 IMG_2425 IMG_2444 IMG_2451 IMG_2466 IMG_2479 IMG_2496  IMG_2503 IMG_2507 IMG_2518 IMG_2539   IMG_2544  IMG_2547 IMG_2549 IMG_2552  IMG_2564 IMG_6309 IMG_6310 IMG_6311 IMG_6313 IMG_6316 IMG_6318 IMG_6320 IMG_6322 IMG_6328 IMG_6329 IMG_6330 IMG_6333 IMG_6334 IMG_6346 IMG_6349 IMG_6350 IMG_6360 IMG_6361 IMG_6364 IMG_6367  IMG_6371 IMG_6373 IMG_6376 IMG_6417 IMG_6425 IMG_6431 IMG_6434 IMG_6435 IMG_6440 IMG_6443 IMG_6449 IMG_6453 IMG_6455 IMG_6459 IMG_6462 IMG_6464  IMG_6467  IMG_6472 Sawir Qaade:- Qadar Cali Nuur iyo Maxamed Cabdiweli

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Kulan looga hadlayay horumarinta Afka Hooyo oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Dowladda oo xuseysa maalinta Far-Soomaaliga

Kulan looga hadlayay horumarinta Afka Hooyo oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahadceliyey Golaha Wasiirrada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐃𝐒.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 29 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐃𝐒.

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐃𝐒.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 29 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In