Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Koob lagu xusayay sanadguurada Warbaahinta Qaranka oo loo dhigay Kooxaha Heegan iyo Gaadiidka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Ciyaaraha, Wararka, Xulashada
0
Koob lagu xusayay sanadguurada Warbaahinta Qaranka oo loo dhigay Kooxaha Heegan iyo Gaadiidka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cayaartan lagu maamuusayay sanad guurada Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed isla markaana ka mid aheyd horyaalka dalka ayaa waxa uu maanta garoonka kubada cagta ee Banaadir Stadium ku dhex martay kooxaha kubada cagta ah ee Heegan iyo Gaadiidka, iyadoo ay ku tartamayeen koob ay u dhigtay Warbaahinta Qaranka.

Madaxda Warbaahinta Qaranka, qaar ka mid ah taageerayaasha labada kooxood iyo dadweyne aad u fara badan ayaa buux dhaafiyay garoonka, iyadoo jawiga garoonkana uu aad uga duwanaa sidii hore.

Related posts

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

August 23, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

August 23, 2026

Cayaartoyda labada kooxood oo diyaar balaaran uu ka muuqday ayaa markii ay bilaabatay cayaarta, waxa ay labada koox soo bandhigeen cayaar aad u wanaagsan oo ay u riyaaqeen dhamaan dadkii u soo daawasho tegay kulankii maanta, waxaana cayaarta guud ahaan ku soo idlaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday kooxda kubadda cagta ee Heegan.

Kabtanka kooxda Heegan Cabdikariin Abuukar Nuur oo cayaarta markii ay soo gaba gaboowday kaddib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa guusha ay maanta gaareen ku tilmaameen inay tahay mid taariikhi ah, maadaama ay bar bar socotay koob lagu maamuusayay sanad guurada Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Gudoomiye ku-xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cali-shiine Cabdi Maxamed ayaa hambalyo u diray Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, isagoo howlwadeenada ku bogaadiyay inay sii labo jibaaraan howlaha ay bulshada u hayaan

Agaasimaha Radio Muqdisho C/raxiin Ciise Caddow ayaa u hambalyeeyay kooxda kubadda cagta ee Heegan, guusha ay maanta gaareen, isagoo xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta uga mahadceliyay qabsoomidda kulanka.

Agaasimaha Warbaahinta Qaranka Mudane C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa hoosta ka xariiqay in wada shaqeyn buuxdo ay kala dhexeyso Warbaahinta Qaranka iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, waxaana uu intaa ku daray inay xoojin doonaan ka shaqeynta Nabadda iyo isdhexgalka bulshada.

Cayaarta galabta dhex martay labada kooxood ee Heegan iyo Gaadiidka ayaa qeyb ka aheyd dabaal dega xuska sanad guurada Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo dhinaca kalena daawadayaasha cayaarta hamlayo u direen Warbaahinta Qaranka.

IMG_2204 IMG_2209 IMG_2214 IMG_2242 IMG_2274   IMG_2290  IMG_2295  IMG_2299 IMG_2309 IMG_2311 IMG_2321 IMG_2330 IMG_2333 IMG_2336 IMG_2342 IMG_2359 IMG_2379 IMG_2389 IMG_2396 IMG_2399 IMG_2425 IMG_2444 IMG_2451 IMG_2466 IMG_2479 IMG_2496  IMG_2503 IMG_2507 IMG_2518 IMG_2539   IMG_2544  IMG_2547 IMG_2549 IMG_2552  IMG_2564 IMG_6309 IMG_6310 IMG_6311 IMG_6313 IMG_6316 IMG_6318 IMG_6320 IMG_6322 IMG_6328 IMG_6329 IMG_6330 IMG_6333 IMG_6334 IMG_6346 IMG_6349 IMG_6350 IMG_6360 IMG_6361 IMG_6364 IMG_6367  IMG_6371 IMG_6373 IMG_6376 IMG_6417 IMG_6425 IMG_6431 IMG_6434 IMG_6435 IMG_6440 IMG_6443 IMG_6449 IMG_6453 IMG_6455 IMG_6459 IMG_6462 IMG_6464  IMG_6467  IMG_6472 Sawir Qaade:- Qadar Cali Nuur iyo Maxamed Cabdiweli

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Kulan looga hadlayay horumarinta Afka Hooyo oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Dowladda oo xuseysa maalinta Far-Soomaaliga

Kulan looga hadlayay horumarinta Afka Hooyo oo lagu qabtay Muqdisho

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

August 23, 2026
0

Waxaa soo gaba gaboobay wadahadalo u dhaxeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

August 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Diyaarinta Warbixinta Wax-qabadka Xukuumadda...

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta xaflad sagootin ah loogu sameeyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta, oo tababar...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In