Koox ka tirsan dhallinyarada Soomaaliyeed oo si iskaa wax u qabso ah xeebaha magaalada Muqdisho uga sameeya howlaha nadaafadda, ayaa kaalinta koobaad ka galay tartanka caalamiga ah ee Tabarruca Beirut.
Barnaajimka abaalmarinta Tabarruca Beirut oo ay ku tartameen 81 Urur oo ka dhisan dalalka Carabta, ayaa ah barnaamij lagu abaal mariyo is-xilqaamayasha u howlgala soo celinta Bilicda.
Ustaad Cabdisataar Carabow oo ah Agaasimaha “Center for Entrepreneurship and Innovation ee Jaamacadda Muqdisho oo ku matalayay tartanka ayaa u guddoomay abaalmarintaas ay ku guuleysateen dhalinyarada Soomaaliyeed.
Munaasabadda abaal marinta oo lagu qabtay magaalada Beirut ee dalka Lubnaan ayaa waxaa ka qayb galay madax ka tirsan xubnaha u ololeeya soo celinta bilicda deegaanka ee ururka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Lubnaan.