Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Kooxda Ayaanka Daran ee Al-Shabaab oo dil u geystay wiil dhallinyaro ah oo ka soo baxay Masjid

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Kooxda Ayaanka Daran ee Al-Shabaab oo dil u geystay wiil dhallinyaro ah oo ka soo baxay Masjid
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxaha ayaanka daran ee Al-Shabaab ayaa iyadoo laga soo baxayo Salaaddii Jimcaha ee maanta Masjidka hortiisa ku toogtay Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Jamaacadii salaadda ka soo baxday.

Allaha u naxariisto Marxuum Cabdullaahi Maxamed Maaxi
Allaha u naxariisto Marxuum Cabdullaahi Maxamed Maaxi

Waxuu ahaa Qof Sooman Salaaddii Alle ee Jimcaha soo oogay, faraxsan, waxaase banaanka Masjidka ku sii sugaya Dhagar-qabayaal kuwaas oo dhoor xabadood kaga dhuftay Qeybta sare ee jirkiisa.

Related posts

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026

Alle ha u naxariistee Cabdalla Maxamed Maaxi ayaa ka mid ahaa dhallinyarada ku nool degmada Afgooye, balse Muqdisho ugu soo wareegay si heerarka koowaad iyo labaad ee waxbarasho uu uga sii dhameysto.

Marxuumka ayaa ahaa Arday gaba-gabadii heerka labaaad ee Jaamacadda waday, waxuuna lahaa hami sare, isagoo jeclaa in Dalkiisa uusan meelna uga tagin waxbadana u qabto..

Qof ay Slaadda iskula tukadeen masjidka ayaa ii sheegay in markii Salaadda laga baxay uu sii dhageystay khudbadda ka dambeysa Salaadda ee Tacliiqa khadiibka, Marka ay dhamaatayna ay isu diyaariyeen in baxaaan balse kooxdan ayaanka daran ayaa banaanka u sii fadhiyay oo Masjidka banaankiisa ku toogtay.

Wiilkan dhallinyarada ahaa ee xaq darrada maalin Ramadaan Jimce ah lagu dilay Masjidka hortiisa ayaa la sheegay in uu mar sii horreysay ka mid ahaa Ergadiii soo dooratay Xildhibaannada Barlamaanka dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed.

Malleeshiyada Al-Shabaab sidaan oo kale ayey toddobaadkii hore Masjid dhexdiisa isagoo ku rogmay Kitaabka Alle ku dileen Allaha u naxariistee Nabaddoon Ibraahim Cariif, dambiyada aan kala yareyn ee ay bishada Ramadaan iyo maalmaha kale ee Ilaahey galaan kuwaย  gafka ka galay Diintaย  Islaamka iyo Ummadda Soomaaliyeed sii kordhiyeen ficilladooda Diin laโ€™aanta ah.

Previous Post

Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Soo Xiray Imtixaanka Shahaadiga ah Ee Dugsiyada Sare Ee Dalka “SAWIRRO”

Next Post

Tartamayaasha Xamar Jajab oo gaaray kulanka kama dambeysta ah (Final) ee tartanka

Next Post
Tartamayaasha Howlwadaag oo caawa u soo gudbay wareegga 3aad ee Tartanka

Tartamayaasha Xamar Jajab oo gaaray kulanka kama dambeysta ah (Final) ee tartanka

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In