Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Kooxda Ayaanka Daran ee Al-Shabaab oo dil u geystay wiil dhallinyaro ah oo ka soo baxay Masjid

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Kooxda Ayaanka Daran ee Al-Shabaab oo dil u geystay wiil dhallinyaro ah oo ka soo baxay Masjid
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxaha ayaanka daran ee Al-Shabaab ayaa iyadoo laga soo baxayo Salaaddii Jimcaha ee maanta Masjidka hortiisa ku toogtay Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Jamaacadii salaadda ka soo baxday.

Allaha u naxariisto Marxuum Cabdullaahi Maxamed Maaxi
Allaha u naxariisto Marxuum Cabdullaahi Maxamed Maaxi

Waxuu ahaa Qof Sooman Salaaddii Alle ee Jimcaha soo oogay, faraxsan, waxaase banaanka Masjidka ku sii sugaya Dhagar-qabayaal kuwaas oo dhoor xabadood kaga dhuftay Qeybta sare ee jirkiisa.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026

Alle ha u naxariistee Cabdalla Maxamed Maaxi ayaa ka mid ahaa dhallinyarada ku nool degmada Afgooye, balse Muqdisho ugu soo wareegay si heerarka koowaad iyo labaad ee waxbarasho uu uga sii dhameysto.

Marxuumka ayaa ahaa Arday gaba-gabadii heerka labaaad ee Jaamacadda waday, waxuuna lahaa hami sare, isagoo jeclaa in Dalkiisa uusan meelna uga tagin waxbadana u qabto..

Qof ay Slaadda iskula tukadeen masjidka ayaa ii sheegay in markii Salaadda laga baxay uu sii dhageystay khudbadda ka dambeysa Salaadda ee Tacliiqa khadiibka, Marka ay dhamaatayna ay isu diyaariyeen in baxaaan balse kooxdan ayaanka daran ayaa banaanka u sii fadhiyay oo Masjidka banaankiisa ku toogtay.

Wiilkan dhallinyarada ahaa ee xaq darrada maalin Ramadaan Jimce ah lagu dilay Masjidka hortiisa ayaa la sheegay in uu mar sii horreysay ka mid ahaa Ergadiii soo dooratay Xildhibaannada Barlamaanka dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed.

Malleeshiyada Al-Shabaab sidaan oo kale ayey toddobaadkii hore Masjid dhexdiisa isagoo ku rogmay Kitaabka Alle ku dileen Allaha u naxariistee Nabaddoon Ibraahim Cariif, dambiyada aan kala yareyn ee ay bishada Ramadaan iyo maalmaha kale ee Ilaahey galaan kuwa  gafka ka galay Diinta  Islaamka iyo Ummadda Soomaaliyeed sii kordhiyeen ficilladooda Diin la’aanta ah.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Soo Xiray Imtixaanka Shahaadiga ah Ee Dugsiyada Sare Ee Dalka “SAWIRRO”

Next Post

Tartamayaasha Xamar Jajab oo gaaray kulanka kama dambeysta ah (Final) ee tartanka

Next Post
Tartamayaasha Howlwadaag oo caawa u soo gudbay wareegga 3aad ee Tartanka

Tartamayaasha Xamar Jajab oo gaaray kulanka kama dambeysta ah (Final) ee tartanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In