Sida ay qortay Wakaaladda Warakka Turkiga ee ANADOLU, Hayโadaha ammaanka dalka Turkiga ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ilaa 178 qof oo muhaajiriin ah kuwaasi oo la sheegay in si sharci daro ah ay ku galeen dalkaas.
Dadkan la qabtay ayaa isugu jira muhaajiriin u kala dhalatay wadamada Soomaaliya,Pakistan iyo dalka Afganistaan,waxaana lagu soo qabtay howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen wadaooyinka isaga kala gooasha degmooyinka Uzunkopru iyo Enez ee gobolka Edirne ee dhaca Waqooyiga dalkaasi Turkiga
Gobaolka Tekirdag ee dalkaasi Turkiga waxaa lagu qabtayย 42 oo kamid ah dadkaasi,kuwaasi oo isugu jiray Soomaali,Bangaladhesh,Pakistaan iyo Afganistaan,waxaana halkaasi lagu xiray 2 qof oo kamid ahaa dadkii waday muhaajiriintaasi,xili ay ciidamadu ku jireen howlgalo baaritaano ah.
Saraakiil diiday in magacooda loo adeegsado warbaahinta sababao la xiriira xadidaad lagu sameeyey in ay la hadlaan warbaahinta ayaa xaqiijiyay in 4 kamid ah dadkii wax tahriibinayay la xiray.
Sidoo kale howlgal ka dhacay gobolka dhinaca Waqooyi kuyaala ee Canakkale waxaa lagu qabtay ilaa 14 qof,waxaa 6 kamid ah ay ahaayeen caruur,waana la xiray,Gobolka kale ee Balikesir waxaa lagu qabtay ilaa 43 qof xili ay saarnaayeen doon kuna sii jeeday dalka Gariigga,kuwaasi oo ay qabteen ciidamada ilaalada Xeebaha dalkaasi Turkiga.
Wakaaladda ANDOLU ayaa sidoo kale sheegaysaa in ilaa 30 qof oo kale oo dhamaantoodi ay yihiin Siriyaan lagu qabtay magaalada Altinozu ee gobolka Hatay,waxayna k ayimaadeen dalka Syria,si ay u galaan dalkaasi Turkiga.
Dalka TUrkiga ayaa marin u noqday muhaajiriin badanm tan iyo 2011-kii bilowgii colaadda dalka deriska la ah ee Syria,waxaa lagu qabtay dalkaasi dad gaaraya ilaa 265,000 oo muhaajiriin ah sanadkii 2018,sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi Turkiga.