Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Madaxweynaha oo furay shir looga hadlayo dib u eegista dastuurka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Ku-simaha Madaxweynaha oo furay shir looga hadlayo dib u eegista dastuurka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda arrimaha dastuurka ee Xukumadda Soomaaliya ayaa looga hadlayey doorka ururadda bulshadda Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan  geedi socondka   dib-u-eegista Dastuurka KMG ah,  waxaana  loo qabtay qaar ka mid ah  ururadda bulshada rayidka, kuwaa oo kala yimid  maamul goboleedyada  dalka sida Puntland,  Jubba, Koonfur galbeed,  Galmudug iyo gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe.  ,

Shirka wadatashiga ah  oo socon doono  mudo labo cisho ah ayaa waxaa furitaankiisa ka qayb galay ku-simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya, Guddiga madaxa banaan  ee dib u eegista dastuurka dalka.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dastuurka Xukumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen  oo ugu horeyn ka hadalay shirka ayaa sharaxay sababta  shirkaan looga qabtay ururadda bulshada Rayidka Soomaaliyeed doorka ay ka qaadan karaan  hananka  dib u egista dastuurka.

“Ujeedka waxa uu yahay in dastuurka uu noqdo mid ay Soomaali leedahay, oo rayiga dadweyaha ku dhisan, Xukumadda Soomaaliya waxaa ka go’an in qofkasta oo Soomaaliyeed la dhageysto fikirkiisa meelkasta oo uu joogo, maantana waxaan u fadhinaa in aan dhageysano kii bulshada rayidka” ayuu yiri Wasiirka Dastuurka.

Guddomiye ku-xigeenka  gudiga  la soconka dastuurka ee  Barlamaanka  Xildhibaan  Ibraahim Saalax dayfullah iyo  Guddomiye ku-xigeenka  Guddiga madax banaan ee dib u eegista dastuurka Maxamed Cabdalla ayaa si wada jir ah u sheegay in  ay diyaariyeen  qorshe lagu  hirgelinayo  dib u eegista dastuurka  Soomaaliya.

Guddoomiyaha Barlamaanka ahna  kusimaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari  oo furay shirka  looga hadalayey doorka ururadda bulshadda rayidka ay ka qadan karaan  dib u eegista  dastuurka KMG AH ayaa  tilmaamay in ay muhiim  tahay in kaalin ku yeeshan  ururadda bulshadda rayidka hananka loomarayo dib u eegista Dastuurka.

“Ururrada bulshada waxa ay ka midyihiin shacabka,  shacabka oo dhan lama wada gaari karo, sidaas darteed idinku waxaad tihiin dadkii u dhexeeyay shacabka iyo Madaxda, ilaa iyo inta laga gaarayo afti dadweyne, waxaa muhiim ah in la heli tallooyinkii ee ku aadan dib u eegista dastuurka” ayuu yiri Prof Jawaari.

Ku-simaha Madaxwayanaha dalka  oo qaar ka mid ah ururadda bulshada rayidka ay waydiinayeen  Su’allo  badan oo la xariira  dib u eegista dastuurka dalka ayaa  hoosta ka xariiqay in si dadka Soomaaliyeed u bartaan dastuurkooda dowladda Soomaaliya ay  u marin doonto Warbaahinta, gaar ahaan idaaacadaha.

DSC03075 DSC03077 DSC03078 DSC03080 DSC03083 DSC03086 DSC03088 DSC03090 DSC03092 DSC03093 DSC03094 DSC03096 DSC03097 

 DSC03102 DSC03103 DSC03105 DSC03108 DSC03109 DSC03110 DSC03111 DSC03113 DSC03115 DSC03116 DSC03117 DSC03118 DSC03121 DSC03123 DSC03124 DSC03126 DSC03134 DSC03135 DSC03138 DSC03141 DSC03142 DSC03151 DSC03152 DSC03165 DSC03176 DSC03179 DSC03182 DSC03186 DSC03190 DSC03196 DSC03197 DSC03199 DSC03204 DSC03209 DSC03210 DSC03212 DSC03220 DSC03221Sawir Qaade:-Farxaan Suleymaan Daahir

Previous Post

Madaxweyne Xasan oo la kulmay dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta

Next Post

Wasaaradda Waxbarashada oo soo bandhigtay liiska arday ku guuleysatay deeqo waxbarasho

Next Post
Xal u helida is maandhaafka u dhaxeeya wasaaradda waxbarashada iyo Daladaha waxbarashada oo kulan laga yeeshay

Wasaaradda Waxbarashada oo soo bandhigtay liiska arday ku guuleysatay deeqo waxbarasho

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In