Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgaley shirka Hay’adaha Socdaalka ee wadamada dhaca Geeska Afrika oo ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Shirkaan oo looga hadlayo isku socodka iyo Xuduudaha ayaa waxaa ka soo qeybgalay Agaasimaha Hay’adaha Socdaalka ee wadamada Tanzania, Kenya, Uganda, Ethiopia, Djibouti, Sudan iyo South Sudan, waxaana shirka soo qabanqaabiyey Hay’adda Socdaalka Adduunka.
Ujeeddada shirkaan ayaa ah iskaashi joogto ah oo laga yeesho socdaalka iyo fududeynta isku socodka. Wadamada shirka ka qeybgaley ayaa ah wadamada inta badan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u socdaalaan sababo kala duwan, iyada oo ay jiraan dhibaatooyin ay ku qabaan socdaalka wadamada Geeska Africa.
Wafdiga hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee shirka ka qeybgalaya ayaa soo bandhigey cabashooyinka la xariira socdaalka ee ay qabaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo wadashaqeyn la’aanta hay’adaha ay khuseyso. Sidoo kale wafdiga Soomaaliya ayaa kulamo gaar ah la yeeshey madaxda socdaalada ee shirka ka soo qeybgaley.