Ku-simaha Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, ayaa kormeeray waraha iyo Biyo qabadyada Magaalada Muqdisho si loogu diyaar garoobo roobabka xagaaga ee la filayo in uu da’o.
Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, ayaa faray Agaasimeyaasha Guud ee Howlaha Guud iyo Nadaafada iyo Bilic soo celinta in sida ugu dhaqsiyaha badan looga howlgalo waraha iyo biyo qabadyada Magaalada Muqdisho, si loo maareeyo roobabka la filayo in ay da’ aan.
Mudane Cabdicasiis ayaa bulshada Soomaaliyeed ka codsaday inay ku dadaalaan nadaafada,Oo uu qofkasto gurigiisa horteeda nadiifiyo,Bulsho iyo dowlad wada jirtaa lagu baraaraaaye.