Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-Xigeenka Cusub ee Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo soo gaartay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Special UN envoy condemns twin explosions in Galkayo and Mogadishu
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-xigeenka cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (DSRSG), Marwo Anita Kiki Gbeho, ayaa maanta timid magaalada Muqdisho si ay si rasmi ah ula wareegto waajibaadkeeda xileed ee Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

“Sharaf ayay ii tahay fursadda la iisiiyay in aan kusoo biiro bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, gaar ahaan waqtigan muhiimka ah oo dalku isku diyaarinayo geedi-socodka doorashooyinka ee kusoo fool leh,” ayay tiri Marwo Gbeho. “Waxaan rajeynayaa in aan la shaqeeyo dadka Soomaaliyeed iyo madaxdooda, iyo dhamaan saaxiibada Soomaaliya ee heer gobol iyo heer caalami, oo aan kala shaqayn doono sidii horumar waara loogusoo dabaali lahaa dalka.”

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud, James Swan oo ka hadlay ayaa yiri “Waxaan ku faraxsanahay in Marwo Gbeho kusoo biirto bahdeena Qaramada Midoobay, iyadoo kaalin hogaamineed ka cayaari doonta hawlaha UNSOM ee dhinacyada siyaasadda, doorashooyinka, xuquuqda Aadanaha, sarreynta sharciga iyo dhinacyada amniga.”

Marwo Gbeho waxay nagusoo biirinaysaa in ka badan 25 sano oo khibrad ah oo ay u leedahay qorshaynta istiraatiijiyadeed, isku-dubaridka iyo maaraynta arrimaha siyaasadda, horumarinta iyo arrimaha beni’aadanimo oo ay ugasoo shaqaysay Xarunta Dhexe ee Qaramada Midoobay iyo xarumaha hawlgallada ee ku kala yaal Angola, Cambodia, Ciraaq, Namibia, Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan. Ka-hor intii aanay kusoo biirin UNSOM, Marwo Gbeho ayaa ahayd Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Howlgalka Isku-dhafka ah ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Darfur (UNAMID).

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka tacsiyadeeyey geerida Xildhibaan Axmed Casoowe

Next Post

New UN Deputy Special Representative for Somalia arrives in Mogadishu

Next Post
Special UN envoy condemns twin explosions in Galkayo and Mogadishu

New UN Deputy Special Representative for Somalia arrives in Mogadishu

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In