Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-Xigeenka Cusub ee Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo soo gaartay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Special UN envoy condemns twin explosions in Galkayo and Mogadishu
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-xigeenka cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (DSRSG), Marwo Anita Kiki Gbeho, ayaa maanta timid magaalada Muqdisho si ay si rasmi ah ula wareegto waajibaadkeeda xileed ee Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

“Sharaf ayay ii tahay fursadda la iisiiyay in aan kusoo biiro bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, gaar ahaan waqtigan muhiimka ah oo dalku isku diyaarinayo geedi-socodka doorashooyinka ee kusoo fool leh,” ayay tiri Marwo Gbeho. “Waxaan rajeynayaa in aan la shaqeeyo dadka Soomaaliyeed iyo madaxdooda, iyo dhamaan saaxiibada Soomaaliya ee heer gobol iyo heer caalami, oo aan kala shaqayn doono sidii horumar waara loogusoo dabaali lahaa dalka.”

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud, James Swan oo ka hadlay ayaa yiri “Waxaan ku faraxsanahay in Marwo Gbeho kusoo biirto bahdeena Qaramada Midoobay, iyadoo kaalin hogaamineed ka cayaari doonta hawlaha UNSOM ee dhinacyada siyaasadda, doorashooyinka, xuquuqda Aadanaha, sarreynta sharciga iyo dhinacyada amniga.”

Marwo Gbeho waxay nagusoo biirinaysaa in ka badan 25 sano oo khibrad ah oo ay u leedahay qorshaynta istiraatiijiyadeed, isku-dubaridka iyo maaraynta arrimaha siyaasadda, horumarinta iyo arrimaha beni’aadanimo oo ay ugasoo shaqaysay Xarunta Dhexe ee Qaramada Midoobay iyo xarumaha hawlgallada ee ku kala yaal Angola, Cambodia, Ciraaq, Namibia, Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan. Ka-hor intii aanay kusoo biirin UNSOM, Marwo Gbeho ayaa ahayd Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Howlgalka Isku-dhafka ah ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Darfur (UNAMID).

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka tacsiyadeeyey geerida Xildhibaan Axmed Casoowe

Next Post

New UN Deputy Special Representative for Somalia arrives in Mogadishu

Next Post
Special UN envoy condemns twin explosions in Galkayo and Mogadishu

New UN Deputy Special Representative for Somalia arrives in Mogadishu

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In