Saturday, January 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan baroor diiq iyo dhaqaale aruurin ah oo lagu qabtay Nairobi “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Kulan baroor diiq iyo dhaqaale aruurin ah oo lagu qabtay Nairobi “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan lagu cambaareenayay weerarkii lagu qaaday isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, isla markaana loogu baroor diiqayay dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarrunta wadanka Kenya.

Kulankan oo ka dhacay gudaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, ayaa waxaa ka soo qeybgalay culimaa’udiin, aqoonyahanno, waxgarad, ganacsato, Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Related posts

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

January 16, 2026
Somalia Holds High-Level Meeting to Tackle Worsening Drought and Food Insecurity

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo iftiimiyay in qofkasta ay Mas’uuliyad ka saarantahay arrimaha abaaraha

January 16, 2026

Ujeedada kulanka ayaa aheyd sidii gurmad deg deg ah loogu  sameyn lahaa dadkii ku dhaawacmay weerarkii wuxuushnino 14-kii bishan ka dhacay  Isgoyska Zoobe KM5 ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Nuur Baaruud (Gurxan) oo ka mid ah dadka ka qeybgalay kulanka iyo Fardowso Sheekh Xasan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dad badan oo shacab ah la xasuuqo, iyagoo ku baaqay in meel looga soo jeesto kooxaha nabad diidka ah.

Sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee wadanka Kenya ahna Qunsulka guud ee Safaaradda mudane Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) oo isna hadal ka jeediyay goobta ayaa xusay in ka safaarad ahaan ay deeq dhaqaale ah u yaabooheen dadka ay musiibadu ku habsatay, waxaana uu Soomaalida ku nool dalka Kenya ugu baaqay in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan walaalahooda ku dhaawacmay weerarkii Isgoyska Zoobe.

In ka badan 200 oo shacab ah ayaa ku dhimatay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen qarax gaari loo adeegsaday oo 14 kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxaana jirta in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay loo qaaday dalka Turkiga, halka kuwa kalena la qaadi doono maalinta berito ah.

Omar Abdi Hassan Nairobi 

Previous Post

Qaar ka mid ah dhacdooyinka xanuunka badan ee ka dhashay xasuuqii Zoobe

Next Post

Diblomaasiyiinta Imaaraadka oo dhiig ugu deeqay dhibanayaasha qaraxii Zoobe-Sawirro

Next Post
Diblomaasiyiinta Imaaraadka oo dhiig ugu deeqay dhibanayaasha qaraxii Zoobe-Sawirro

Diblomaasiyiinta Imaaraadka oo dhiig ugu deeqay dhibanayaasha qaraxii Zoobe-Sawirro

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

January 16, 2026
0

Guddoomiyaha hey’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle  oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in mas’uuliyadda maaraynta khataraha masiiboiyinka aysan...

Somalia Holds High-Level Meeting to Tackle Worsening Drought and Food Insecurity

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo iftiimiyay in qofkasta ay Mas’uuliyad ka saarantahay arrimaha abaaraha

January 16, 2026
0

Guddoomiyaha hey'adda Maareynta Masiibooyinka ayaa sheegay in mas’uuliyadda maaraynta khataraha masiiboiyinka aysan ahayn mid ku kooban hal hay’ad oo keliya...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

January 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa Magaalada Laascaanoon kula kulmay Suldaan Siciid Maxamed...

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In