Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan Howleedka Astaynta Awoodaha oo lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Kulan Howleedka Astaynta Awoodaha oo lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan howleedka shaqo ee astaynta awoodaha, kheyraad-wadaagga iyo nidaamka maaliyadeed ee Federaaleynta ee dib u-eegista dastuurka oo muddo 6 cisho ah ka socday magaalada muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyay waxaana ka soo qayb galay Wasaardaha kala duwan ee dowladda iyo khuburro caalami ah iyo kuwo Soomaali ah.

Muddadii uu socday kulan howleedkan shaqo waxa ay Wasaarad walba soo bandhigtay warbixinno ku saabsan awoodaha jira iyo sida loogu kala qaybiyo heer Federal iyo heer dowlad Goboleed, iyagoo kadibna lagala dooday waxa ay saldhig uga dhigeen soo jeedimahooda.

Related posts

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026

Muddadii uu socday kulankan shaqo waxaa warbixino ka soo jeediyay Wasaaradaha Boostada iyo Teknaloojiyadda, Xanaanada Xoolaha, Kalluumaysiga, Batroolka iyo Macdanta, Beeraha, Tamarta iyo biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka iyo Xuquuqul insaanka, Dekadaha iyo Gaadiidka badda, Ganacsiga iyo Warshadaha, Howlaha guud, Gaadiidka iyo Duulista hawada iyo kuwa kale, waxayna soo bandhigeen mowduucyada la xiriira astaynta awoodaha ee heeraka dowladda ee quseeya Wasaaradahooda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka mudane Saalax Axmed Jaamac oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Wasaaradda Dastuurku ay ka shaqaynayso in la helo aragti midaysan oo la xiriirta awood qaybsiga oo ah arrin masiiri ah oo u baahan in heshiis siyasadeed laga gaaro si loogu qoro dastuurka.

“Waa in laga heshiiyaa mabaadii’da galaysa dastuurka ee la xiriirta awood qaybsiga, Wasaarad kasta waxaan uga fadhinnaa in ay warbixin tifaftiran ka keento awoodaha jira iyo sida loogu kala qaybiyo heerarka dowladdaha Federaalka ah isla markaana tixgelinayna xaaladda dalkeena” ayuu yiri Wasiir Saalax.

Gabagadii waxaa la isla gartay in Wasaaraduhu ay soo gudbiyaan warbixinno dhamaystiran si loo helo aragtida dowladda ee la xiriirta awood qaybsiga si heshiis siyaasadeed looga gaaro.

Previous Post

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo saxiixay buugga tacsida ee geerida Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi  “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Norway “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Norway “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo oo Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Norway “SAWIRRO”

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In