Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan Howleedka Astaynta Awoodaha oo lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Kulan Howleedka Astaynta Awoodaha oo lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan howleedka shaqo ee astaynta awoodaha, kheyraad-wadaagga iyo nidaamka maaliyadeed ee Federaaleynta ee dib u-eegista dastuurka oo muddo 6 cisho ah ka socday magaalada muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyay waxaana ka soo qayb galay Wasaardaha kala duwan ee dowladda iyo khuburro caalami ah iyo kuwo Soomaali ah.

Muddadii uu socday kulan howleedkan shaqo waxa ay Wasaarad walba soo bandhigtay warbixinno ku saabsan awoodaha jira iyo sida loogu kala qaybiyo heer Federal iyo heer dowlad Goboleed, iyagoo kadibna lagala dooday waxa ay saldhig uga dhigeen soo jeedimahooda.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Muddadii uu socday kulankan shaqo waxaa warbixino ka soo jeediyay Wasaaradaha Boostada iyo Teknaloojiyadda, Xanaanada Xoolaha, Kalluumaysiga, Batroolka iyo Macdanta, Beeraha, Tamarta iyo biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka iyo Xuquuqul insaanka, Dekadaha iyo Gaadiidka badda, Ganacsiga iyo Warshadaha, Howlaha guud, Gaadiidka iyo Duulista hawada iyo kuwa kale, waxayna soo bandhigeen mowduucyada la xiriira astaynta awoodaha ee heeraka dowladda ee quseeya Wasaaradahooda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka mudane Saalax Axmed Jaamac oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Wasaaradda Dastuurku ay ka shaqaynayso in la helo aragti midaysan oo la xiriirta awood qaybsiga oo ah arrin masiiri ah oo u baahan in heshiis siyasadeed laga gaaro si loogu qoro dastuurka.

“Waa in laga heshiiyaa mabaadii’da galaysa dastuurka ee la xiriirta awood qaybsiga, Wasaarad kasta waxaan uga fadhinnaa in ay warbixin tifaftiran ka keento awoodaha jira iyo sida loogu kala qaybiyo heerarka dowladdaha Federaalka ah isla markaana tixgelinayna xaaladda dalkeena” ayuu yiri Wasiir Saalax.

Gabagadii waxaa la isla gartay in Wasaaraduhu ay soo gudbiyaan warbixinno dhamaystiran si loo helo aragtida dowladda ee la xiriirta awood qaybsiga si heshiis siyaasadeed looga gaaro.

Previous Post

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo saxiixay buugga tacsida ee geerida Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi  “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Norway “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Norway “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo oo Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Norway “SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In