Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan ku saabsan Ahmiyadda Afka Hooyo iyo Aayaha Ubadka Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu qabtay+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Kulan ku saabsan Ahmiyadda Afka Hooyo iyo Aayaha Ubadka Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu qabtay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muxaadaro aad u qiimo badan oo ku saabsaneyd “Ahmiyadda Afka Hooyo iyo Aayaha Ubadka Soomaaliyeed”, ayna ka soo qeyb-galeen Xildhibaanno, masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya, madaxda G/Banaadir, Guddoonka AGA iyo in ka badan Boqol dhallinyaro ah ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta Dhallinyarada G/Banaadir.

Hadal uu furitaankii muxaadaradaasi ka soo jeediyay Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu muxaadarro u jeediyo dhallinyarada G/Baanaadir, waxaana uu caddeeyay inay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ay danaynayso sidii ay dhallintu uga qeyb-qaadan lahaayeen hiilka afka hooyo.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

“Dhallinyarooy, waxaa tihiin dhaxal-reebkii Soomaaliya, waxaana rajaynayaa inaan idinku wareejino risaalada ku aadan daryeelka iyo hiilka afka Soomaaliga, hadaan nahay Akadeemiyadii af Soomaaliga waxaa naga go’an inaan idiin faa’iideyno oo aan idinla wadaagno tababbarro isdaba joog ah” ayuu yiri Prof. Afrax oo dhallinyadaradaasi ugu baaqay inay ku fara adeygaan ilaalinta afkooda hooyo.

Guddoomiye Ku-xigeenka G/Banaadir ee arimaha Siyaasadda iyo Amniga Maxamed C/llaahi Tuulax oo isna ka hadlay munasabaddaasi ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo muxaadarada loo qaabnayo dhallinta G/Banaadir, waxaana uu ka qeyb-galayaasha muxaadaradaasi u soo jeediyay inay ka faa’iideystaan muxaadardaarada uu siinayo Prof. Maxamed Daahir Afrax, isaga oo dhanka kale u mahad-celiyay Akadeemiyada AGA oo xil gaar ah iska saartey daryeelka iyo nooleynta afka Soomaaliga.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka sheekeeyay hodontinimada afka Soomaaliga iyo sida loogu baahan yahay in looga wada qayb-qaato illaalinta iyo hormarinta afka hooyo, isaga oo bogaadiyay dadaalka ay Akadeemiyada AGA ugu jirto hiilka afka Soomaaliga.

Madaxdaasi ka hor, waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha dhallinyarada G/Banaadir Cabdi-kaafi Maxamuud Makaraan oo sheegay inuu ku faraxsan yahay in dhallinyarada 17- Degmo loo qabto muxaadaro ku saabsan Ahmiyada uu leeyahay afka Hooyo, waxaana uu u mahad-naqay Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AGA oo muxaadarada soo jeedinayay, isaga oo codsadey in la joogteeyo muxaadarooyinka iyo tababbbarada la siinayo dhallinta G/Banaadir.

Intaasi kadib, waxaa cod-baahiyaha lagu soo dhaweeyay Macallinkii bixinayay muxaadarada oo ahaa Guddoomiyaha AGA Prof. Afrax oo dhallinyarada G/Banaadir la wadaagay muxaadaro ay aad u jeceleysteen, waxaana Profesoorku uu mid-mid u dul-istaagay qoddobo aad u xiisa badan oo muxaadaradaasi qeyb ka ahaa, isaga oo ugu dambayntii dhallinyarada kula dar-daarmay inaysan marti ka noqonin hiilka afkooda hooyo.

Gaba-gabadii muxaadaradaasi waxaa ka hadlay Madaxa Dhallinyarada ee Xafiiska Arimaha Bulshada ee Madaxtooyada Soomalaiya Ubax Isxaaq, Gudoomiye Ku-xigeenka Dhallinyarada Geeska Afrika Cabdul-maalik Nuur Cumar iyo Guddoomiyaha Haweenka G/Banaadir Jawaahir Baarqab oo soo wada dhaweeyay qabashada muxaadaradaasi, iyaga oo u mahad-celiyay Akadeemiyada AGA iyo Guddoonka dhallinyarada G/Banaadir oo iska-kaashadey Suuragalinta Muxadaradaasi.

Previous Post

Dhageyso: Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shirka Midowga Baarlamaanada Carabta uga qeyb galaya Jordan

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shirka Midowga Baarlamaanada Carabta uga qeyb galaya Jordan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shirka Midowga Baarlamaanada Carabta uga qeyb galaya Jordan

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In