Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan isdhexgalka bulshada ah oo lagu soo gabo gabeeyay Warshiikh “Sawirro”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Kulan isdhexgalka bulshada ah oo lagu soo gabo gabeeyay Warshiikh “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ku saabsan isdhexgalka bulshada oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Degmada Warshiikh ayaa lagu soo gabo gabeeyay magaalasi, kaasi oo ay k qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulanka isdhexgalka bulshada ayaa ahaa mid lagu xoojinayay shir dib u heshiisiin ah oo loo qabtay boqol qof oo ka socdey beelihii hore colaadda ugu dhex martay degaanka Warshiikh, waxana ujeedkiisu ahaa in shacabka degmada iyo tuulooyinka hoos yimaada ku dhaqan ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka degmada.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Qaar ka mid ah dadkii ka hadlay xafladdii lagu soo gabo gabeynayay kulanka isdhexgalka ah ayaa waxa ay maamulka degmada uga mahadceliyeen qabsoomidda kulanka lagu xoojiyo dib u heshiisiinta dhawaan halkaasi ka dhacday, isla markaana ay shacabka ka wada shaqeeyaan isdhexlgal bulsho.

Gudoomiyaha degmeda Warshiikh Mudane Axmad Xuseen Axmed ayaa ku booriyay bulshada degmada iyo deegaannada kale ee ku xeeran iny ka qeyb qaataan sugidda amniga oo ay ka hortagan cidkasta oo falal amni darro ah abuureysa.

“Kulankan ku saabsan isdhexgalka bulsahda waxa uu soo socdey mudo 9 cisho ah, laga soo bilaabo 3-dii November iyo 12kii bishan, runtii farxad ayay noo tahay in bulshada qeybaheeda aan isu keeno oo aan u qabo kulan ay uga wada hadlayaan horumarinta iyo aayaha degmada, waana bogaadinayaa intii ka soo qeyb gashay” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Warshiikh.

Guddoomiyihu wuxuu halkaas shahaadooyin ku gudoonsiiyey qaar ka mid ah dadkii ka qaybgalay kulanka isdhexgalka bulshada.

DSC00742 DSC00743 DSC00744 DSC00745 DSC00762

 

Previous Post

Cudurka Shuban biyoodka oo ka dillaacay degmada Cabuudwaaq “Sawirro”

Next Post

Gudoomiyaha gobolka Sh/Dhexe oo booqday degmada Mahadaay “Sawirro”

Next Post
Gudoomiyaha gobolka Sh/Dhexe oo booqday degmada Mahadaay “Sawirro”

Gudoomiyaha gobolka Sh/Dhexe oo booqday degmada Mahadaay "Sawirro"

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In