Kulan lagu taageerayay looguna mahadcelinayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud dadaaladii iyo waqtigii uu galiyay in dalka laga qaado cunaqabateynta hubka oo dalka ay saarneyd in ka badan 31sano iyo ku biirista urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Kulankaan ayaa ka dhacay xarunta degmada kaxda waxaana goobjoog ahaa Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Maamulka degmada kaxda.
Shacabka reer Kaxda ayaa muujiyay dal jeceyl iyagoo Madaxweynaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed la qeybsaday farxadda iyo ka guul gaarista labadaan qorshe oo muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed .