Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan lagu xasuunayo Allaha u naxariistee Cali Iimaan iyo Mahad Axmed oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Kulan lagu xasuunayo Allaha u naxariistee Cali Iimaan iyo Mahad Axmed oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo lagu xasuusanayay weerarkii sideed sano ka hor maleeshiyada Al-Shabaab ay ku dileen Allaha u naxariistee Agaasimihii Idaacadii Horn Afric Cali Iimaan Sharma’arke iyo Agaasimihii Idaacadii Capital Voice Mahad Axmed Cilmi, laguna qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay ehelada labada Marxuum  iyo Wariyaal u shaqeeya Warbahainta gudaha iyo kuwa Dibadda.

Dhamaan dadkii kulanka ka qeybgalay oo Suxufiyiin u badnaa ayaa laga dareemayay sida ay uga xun yihiin dilalka iyo tacadiyada Wariyaasha Soomaalida ay la kulmaan oo la aaminsan yahay inay aad u bateen kaddib dilkii labadaasi Wariye.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Siyaasiga Xasan Qalaad oo waxbadan ka yaqaanay Cali Iimaan ayaa ku dheeraaday ka sheekeenta wanaaga iyo Taariikhda uu lahaa Marxuumka.

“Walaalkey Cali Iimaan anigu waxaan bartay mudo aad u dheer, waxaan aheyn saraakiil ciidan oo ka baxday kuliyadihii ciidanka, inkastoo uu isaga iga horeeyay, markii damaba uu aaday dibadda, gaar ahaan Mareykanka, wuxuuna Jaamacaihii ka siiwatay Canada iyo Mareykanka intaas kadibna dalka ayuu dib ugu soo laabtay intuu wadanka jogayna waa iska warqabnay”ayuu yiri Xasan Qalaad.

Sidoo kale Cabdi Iimaan Sharma’arke oo walaal la ah Marxuum Cali Iimaan ayaa  mar uu kulanka ka hadlayay waxa uu u mahadceliyay wariyaashii ay soo wada shaqeeyeen Cali Iimaan Sharma’arke iyo kuwii soo qaban qaabiyay kulanka maanta.

“Waxaan u mahadcelinayaa wariyaashii Horn Afric ka baxay iyo kuwaan ka bixin, waxaa taariiq lama iloobana leh oo aan qiraa sanadkasta inay abaaa leeyihiin wiilal iyo gabdhaba wixii ka baxay Horn Afric, dadkii Horn Afric ka baxay mowqifka ay ka qaateen Cali Iimaan iyo carruurtiisa maalintuu dhintay ilaa hada waxaan aaminsnahaay inaana anigu xitaa ka qaadan”ayuu yiri Cabdi Imaan.

Maantoo kale sanadkii 2007- ayay aheyd markii magaalada Muqdisho lagu dilay Agaasimihii idaacaddii Horn Afric Cali Iimaan Sharma’arke iyo Agaasimihii Idaacadii Capital Voice Mahad Axmed Cilmi waxaana la aaminsan yahay in maalintaasi kadib uu aad u batay dilalka iyo tacadiga loo geysto Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee gudaha dalka ka shaqeeya.

DSC01279 DSC01285 DSC01286 DSC01287 DSC01288 DSC01291 DSC01293 DSC01294 DSC01300 DSC01307 DSC01312 DSC01315 DSC01317 DSC01318 DSC01320 DSC01322 DSC01324 DSC01325 DSC01342 DSC01345 DSC01350 DSC01351 DSC01365 DSC01368 DSC01372 DSC01378 DSC01381 DSC01384 DSC01399  DSC01403  DSC01411 DSC01412  DSC01419 DSC01422

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

 

 

Previous Post

Sida lagu caawin karo qoysas ku soo barakacay Beladweyne oo laga hadlay

Next Post

Wasiirka arrimaha gudaha oo la kulmay Guddiga madaxa banaan ee xuduudaha “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka arrimaha gudaha oo la kulmay Guddiga madaxa banaan ee xuduudaha “SAWIRRO”

Wasiirka arrimaha gudaha oo la kulmay Guddiga madaxa banaan ee xuduudaha "SAWIRRO"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In